Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

ILaalinta Balantu Waa Lagama-Maarmaan Oo Balan Daro Waa Diin Daro .. Maskow Wacad Ma Leedahay

Thursday - May 19, 2022



Mas iyo Reer ayaa meel wada degay. Markii lays arkaba cabsi darteed waa la kala baqaa .. Dhowr jeer ayaa reerki isku deyay inuu Maskii dilo waase u suuro geli-weyday ..  In muddo ah wax sheed layska eegtoba, reerkii oo aroos diyaarinaya ayaa maska meel dheer kala hadlay, wuxu ku yiri, "Waar cabsi joogto ah kuma jiri karne ee aan heshiino, oo wacad Alla galno in aynu is nabad-gelino"

Wacadkii ayaa Reerkii iyo Maski galeen Iyaga oo cabsidii ay Maska ka qabeen ka baxday ayay farxaddii Arooska iyo ciyaartiisii u jeesteen oo la galay Nabad, farxad, iyo dabaaldeg oo lagu seexday. Hasa-yeeshee nimcadi ma sii waarin oo Maskii caruuskii ayuu qaniinay oo dilay waana baxsaday.

Isaga oo firdhad ah oo la daba joogo ayaa waxa uu ku soo baxay nin socoto ah wuxu ku yiri "Waar Ninyahaw i magan-geli Dad baa idaba socda oo doonaya inay i dilaan .. Ninki wuxu u celiyay Maski jawaab oo ku yiri "Mas baad tahee sideen kuu aaaminayaa? Maski ayaa yiri: Wacad Alle ayaynu gelaynaa.

Ninki Iyo Maski wacadkii ayay wada geleen, Ka dibna intu Maski ninkii koray ayuu qoorta iska duubay dabadeed halkii cabsidu joogtay markay ka fogaadeen ayuu ninki Maski ku yiri "Kaa soo fogeeyay halkii cabsidu taalayay, hadaba soo deg oo iska nabad-gal” Maski oo jawaab u celiyey wuxu yiri "Waar weli nabad ma arko ee inuu wacad Alle inoo xirmo iyo in kale Dad iyo Duunyo saddexda inoogu soo horeeya aan arinkeena hor dhigno oo ha ka gar-naqeen"  Ninkii oo doonaya sidii uu naftiisa ugu badbaadin-lahaa Maskan luqunta iska duubay ayaa yiri: Bal waayahee ina wadi.

Markii u horaysay waxay ku soo baxeen Awr duq ah oo socon-kari waayay oo meel looga guuray ..  Awrkii ayay u sheegeen arin-koodii. Ka dib markii labadiiba dhagaystay ayaa Awrki yiri: "Labdiinuba waad aragtaan xaaladayda. Intaas oo sanadood ayaan inan Rag u adeegayey. Maraan taranta Geela ugu filaado, maraan Rarka iyo reerka u qaado, maraan u dhaamiyo. Maalintii aan hawlgabay ee aan dhaqaaqi kari waayayna cidlaada aad aragtaan ayuu igaga tegi ee Maskow inan Rag wacad ma-laha ee Ninka dil

Markii labaad waxay ku soo baxeen Oday Da’ ah oo isna keligii meel fadhiya. Arrinkoodii ayay odaygii hor dhigiin. Odaygiina wuxu ugu jawaabay "Waad i aragtaan oo kaligii ayaan halkaa kuududaa waan dhaqay oo aan dhalay. Kuwii aan dhalay iyo kuwii ay dhaleen iyo xoolahaan dhaqayba cidlaadaasi ayaan ka joogaa Ee Maskow, inana Rag wacad ma-laha ee ninka dil"

Mar Sadexaadkii, oo ah markii u dambaysay ee garnaqa ayaa Maskii iyo Ninkii ku soo baxeen Dawco .. Dawacdii ayay arrin-koodii hor dhigeen. Dawcadi waxay ku tiri "Anigu wax isku raran uma gar-qaado ee bal horta iska kala dega ..  Maskii ayaa ninka qoortiisii ka soo degay oo dhulkii fariistay. Dawacdii ayaa ninkii ku tiri: Waar kaa degye hadaba iska celi Maska!!!