Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Ereyo Xikmad Dhinacyo Badan Taabaneysa .. Xikmad Nolosha La Xariirta

Friday - May 20, 2022






"Reer galbeedku inagama caqli badna Ee halka aynu isku dhaafnay baa ah: iyagu waxay isgarab taagan kooda guul-daraystay ilaa uu ka guulaysanayo, halka inagu keena guulaysta aynu la dagaalano ilaa inta uu guuldaraysanayo "   Xikmad Carbeed
--------------------------------------------------------------

1- Dadka qaarkood In laga fogaadaa waa naxariis Alle oo maramar waqtigu sababo

2- Hadiyadda ugu fiican ee aad waligaa naftaada siin karto waa in aad ilowdo wixii tagay oo aadan ka welwelin 

3-Waxa aan u malayn jiray waxa ugu xun nolosha in ay tahay keli-nimada laakiin ma aha ee waxa ugu xun nolosha waa la-joogista dad aad agtooda ku dareemeysid keli-nnimo.

4- Dadka wanaagsan ka ag dhowow oo ku milan, adna waad wanaag-sanaaniye.

5- Guul darro kasta oo qofka ku timaadda waa laga yaabaa in uu ka soo kabto hal guul darro mooyee balse guul-darrada kaliya ee aan laga soo kaban gadaasheedna la faa'iidin, waa marka uu addoonku Eebbihii la kulmo isaga oo caasi ah.

6- Qiimaha Jacayl ma garan-kartid haddii aanad nacayb iyo cabsi baran 

7- Qof kastaa waa waxa uu isu ekeysiiyo, sidaa awgeed ka taxaddar waxa aad isu ekeysiinayso 

8- Marka aad caraysan-tahay aamus waayo Inta aad nooshahay wax kasta waa suurtogal 

9- Noloshu haddii ay riyo weydo waxa ay noqotaa sida shimbir baalku ka go’ay. 

10- Noloshu waa Is-bedello dabiici ah oo iyagu is wada, weligaa adigu ha ka hor iman; waayo is-hortaggaasi murugo ayuun buu dhalaa. Runta u ogoloow in ay run ahaato. 

11- Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa waabin in aad hore u sii socoto, adiga oo aan dareemayn in aad dhammaadkii joogto.

12- Noloshu kuma qasbana in ay in ay ina siiso waxa aynu filayno.

13– Haddii aanad adigu Istaraatijiyad lahayn, waxa uun aad ka qayb noqonaysaa Istaraatijiyad qof kale dejistay.

14– Deeqsinimada waxa aan u naqaanaa marka uu qof waxa uu rabo ku bixiyo wax kasta oo qaali agtiisa ku ah ee haddana uu weli aaminsan yahay in qiime aad u yari kaga baxay 

15– Ma jiro qof weli faqiir ku noqday wax uu bixiyey awgii. 

16- Qofka noloshiisu waxa ay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka kale. waa jacayl, saaxiibtinimo iyo naxariis.