Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Siyaasada Guracan Ee Somaliya .. Shirki Loo Madalay Habar-Dugaag Ee Laysku Weydiinaayo Dhinaca Gudoonka Talada Habar-dugaag .. Nin Walba Waa Musharax Wuxuuna Soo Bandhigaya Kartidiisa Iyo Awoodiisa

Wednesday - May 25, 2022



Meeshu waa baadiye cidla ah .. waa Duur iyo hawd dhirtu hamash tahay ..  Dab-joog iyo Duur-jogna kuma kala maqna waa joogaan .. Habar-dugaag ayaa go'aan ku gaaray inay shiraan oo heshiis dhexmaro khilaafka dhex yaalana xal loo helo.

Waxaa la Madlay shirki .. shirka waxaa goob-joogayaal ka ah Dab-joog, Duur-joog, inta Beerka ku socota iyo inta Adimada ku socota laguma kala maqnaan .. waxaa shirka gudoominaya Dhidar .. inkasto aan looga baran Dhidar talo habar-dugaag iyo arimaha xasaasiga ah, balse waa Duni casri-yeeysan waa laysa soo wada gaaray oo haddii Habar-dugaag shirayso waxaa Usha u ruxi jiray Libaax, waxaase shir gudoomin jiray Dawaco waxaana had iyo gooraale Mucaarad ahaan jiray Waraabe, haddase xaalku waa ka bedelan yahay sidii hore oo Nin waliba waa musharax Nina nin libin iyo ladnaan uma ogola, waxaa meesha ka dhacayaa ( bal anna i day) ..  Dhidar ayaa dhex-marayaa ergada shirka ka soo qayb gashay isagaana hadalka qaybinayaa waxuuna hadba caasha ku taagayaa ninkuu doonayo inuu hadlo waxaa wax layska waydiiyey arimaha colaada dhexdooda iyo abaaraha jira, dhinaca kale waxay ka tashanayeen Aadamaha oo isagana wax kala dhaxeeyaan balse colaad fog ka dhaxayso weligoodna aan nabad iyo heshiis dhexmarin .

Waxaa wax layska waydiinayaa dhinaca gudoonka talada Habar-dugaag nin waliba waa musharax waxuuna soo bandhigayaa kartidiisa iyo awoodiisa iyo aqoontiisa , waxuuna cod ka raadinayaa Ma liibaanayaasha lagu liibaano, waa kuwa xaqoodii la duudsiyey sida Dab-joogta iyo Duur-joogta Ugaarta u badan, Xamaaratada qaarkood iyo inta aan lahayn awooda Nimankan sheeganayaan iyagaa cod laga rabaa iyagaana la cuni rabaa cajiib!

Qolo waliba waxay wadataa Duubkeeda, waa sida loo kala qaar weyn yahay, ee Maroodiga iyo Geriga iyo waxii la hal-maala waxaa lagu daray Ugaarta .. Waxaa talada isku haysta waa Mici ku dhiiglayaasha hororka ah oo Nin degan iyo mid wanaagsan talo lama waydiinayo ama diid ama yeel ayaa ciwaan looga dhigay .. Inta Micida adeegsata ayaa is hor-fadhida, Libaaxyo, Shabeelo, Waraabayaal, Haramcadyo, Yeey, Dawaco, Dhidir iyo Weer iyo wixii la mida .. Baaleyda "Shimbiraha" iyagu dhirtay ku sharaxan tahay hadba qoladii hadasha ayay sacab iyo mashxarad ku harqinayaan.

Hogaanka loo tartamay iyo jagadii madaxnimada sanadkan iyo sanadaha soo socda gorodaa lays la galay xaajadu waa yaan lagaa badin .. hooy hooy

Libaax oo isu yaqaan boqorka Habar-dugaag ayaa hadlay waxuu soo xusay taariikho badan waxuuna ka sheekeeyey wax qabadkiisa wax-yaabo badan ayuu ka xishooday oo yiri dhaqan-kayga ma aha waxuu sheegtay inuusan bakhtiga cunin waxuu sheegtay isagoo dheregsan inuusan naf kibir u gooyn waxuu sheegtay dabeecado badan oo wanaagsan waxuu yiri Lugtu haday jeeniga dhaafto way jabtaa oo waxuu warbixitiisi ku soo gaba-gabeeyey balse cir-weyni iyo anigaa ah iyo lagama daba hadli-karo ayuu warkiisi ku soo koobay .. weger baa la wada yiri.

Waraabe ayaa istaagay amaan ayuu isku jagac siiyey waxuuna ku faanay inuu yahay ninka ka soo hooyday habeen iyo dharaarna dagaal aan kala joogsi lahayn kula jira Aadamaha isaga oo dhawraya sharafta Habar-dugaagna u diiday inay nabad helaan .. dad iyo duunyana Aadamaha ka dhameeyey oo banaan iyo hawdba waxaan ka ahay caan habaar iyo dagaal midna waxba way laygaga tari-waayey .. waxuu yiri laygama mudna deeqsinimo, dagaal-yahanimo, iyo halgamaa inuu yahay ayuu sheegtay .. weger ayaa la wada yiri .

Shabeel ayaa istaagay isaguna faalo dheer mariyey .. waxuu sheegtay xilkan Libaaxu isku boqrayaa inuusan waxba ka jirin oo caalamka markii Aadamuhu tartansiiyey Xayawaankana inuu dhinaca quruxda boodada iyo dagaalka Kun barood dheeraday, libaaxa oo lala yaabay xitaa jabhada Aadamiga ayaa magacayga isticmaalaan astaamaha aadamuhu ugu jecelyihiina uu ka mid yahay waxaan ahay astaan dagaal iyo tababare caan ah sidaa awgeed laygama mudna madaxnimada raganimada nina igu gaari maayo .. weger baa la wada yiri.

Dawacaa hadalkii qaadatay waxay tiri waad iska faanaysaan ee Libaax iyo Shabeel iyo ma aqaano Waraabe .. waxaan arko carab-kaan mariyaa guutooyin iyo gaasas ayaan ahay waxaan ahay tirada bahalaha ugu badan Yeeyda xitaa waa tarantayda oo waa qoyska reer Dawaco iyo Eeydu xitaa waxay soo raacaan Bah-Dawacaad , Bah-Dawacaad waa qowmiyad balaaran awood buuxda iyo muuqaal wanaagsan ku leh Habar-dugaag dhexdeeda wanaag iyo kartina nalagu gaari maayo waxaan ahay tusaalaha bani-Aadamka inaan ahay kooxda ugu caqliga badan, ugu khiyaanada badan, cala ay xaal hadal badan danbaa dhaantee mudnaana anagaa iska leh .. Weger ayaa la wada yiri.

Waxaa hadlay Haramcad ama haramcas waxuu yiri anigu ugaarsiga ninka ugu dheereeya orodka, boodada iyo booli xooftada ayaan ahay, waxaan ahay ma naxaan ma quustaan ah quruxda shabeel sheegtayna waxba kama jiraan .. Alow Alle niman-yahoow nina igama mudna maanta faan iyo hadalna wax tari maayo ha lay-tijaabiyo .. weger iyo ka waasacan ayaa la yiri.

Waxaa hadlay Dhidar isagoo sheegtay inuu Weerna wakiil ka yahay waxuu yiri intaanu Habar-dugaag Dab-joog iyo Duur-joog abaal u galnay ilaahay ayaa og sidaa awgeed waxaan oran lahaa maa-daama aanu nahay bahda ugu deeqsisan uguna godobta badan xitaa waxaan nahay koox laysku habaaro "Weer ku gal iyo Dhidar kula-tag" sidaa awgeed nalaga ma mudna .. weger baa la wada yiri.

Kuwo dulman oo lagu gor-gortamayaa meesha soo tuban waa xoolihii kala duwanaa waa Ugaartii , Xaamaratadii, Baalalaydii waa kuwo xaqoodii la dhacay, dhiigoodii la shubay, kuwa lagu faanayo iyo kuwa loo gurdaynayaa waa iyaga waxay garab weydiisteen ilaahay shirkani ma calfana , balaayaa ka soo jiijiile balse gargaar waa ka rabi ayay talo ku gooyeen.

Waa lagu kala dareeray shirkii waxaana laysku afgartay in gudi laga soo saaro, Habar-dugaaga kale ee aan waxba cunin balse magaca la wadaagta si ay go'aan u gaaran cida mudan hogaanka iyo talada ee looga danbaynayo.

Habar-dugaagta kale waa kuwa dulman ee dhiigooda loo tartamayo codka iyo foodkana iyagaa laga sugayaa ninkii ku cuni lahaa .. doortaa meesha taala iyo Ninkii ku dili-lahaa adigu soo xulo, wedkaaga kaad jeceshahay gacanta u tag.

Habar-dugaagta kale talaa ku cad , kii ay doortaana isagaa inuu dilo oo cuno u  kii ay diidaana colaadii hore ayuu sii laba jibaarayaa (Hashii Dhool ahayd-ba dhana uma fayooba