Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Xikmadi Fadilat Al-Caalam Imaam Abu Gazaali Oo Wixii Alle Baray Dood Kaga Jawaabay: Sidee Loo Kala Garan-kara Dhaqankiisa Dhabta Ah Iyo Ka Aan Ahayen Ee Faraska Dameerka Iyo Bani Aadamka?

Friday - May 27, 2022



Ilaahay Ha Xafido Fadilat Al-Caalam Shiikh Abuu Xaamid Al-Gazali Isaga oo ka waramaya dhaqanka hoose iyo dhaqanka sare waxuu inoo sheegay in laga yaabo in Dadka qaarkii is-weydiiyaan "Haddii Ilaahay banii Aadamka ku abuuray dareenka iyo dhaqanka xoolaha oo kale iyo dareenka iyo dhaqanka Shaydaanka oo kale iyo dareenka iyo dhaqanka Malaa’iigta oo kale, sidee loo garan karaa dhaqankiisa dhabta ah iyo ka aan ahayn?

Wuxu Sheekhu ku jawaabay "Dhaqanka dhabta ah ee abuurahaa mid waliba leeyahay waa dhaqanka sare ee u gaarka ah .. Tusaale ahaan Dameerka iyo Farasku waa laba Xaywaan oo gaadiid ah oo Banii Aadamku fuulo, Labadaasna dhaqanka waa ka siman-yihiin, Hasa yeeeshe waxa dhaqanka dhabta ah ee Farasku muuqdaa, Dameerka waa u ka sareeya, gaar ahaan marka dagaal loo heensaysto .. Haddii Farasku dagaal geli waayo Dameer ayuu noqodaa .. Sidoo kale Banii Aadamku wuxu kaga sareeyaa xoolaha waa Garaadka iyo Ruuxa. Haddii uu Garaadkiisa iyo Ruuxiisa si wanaagsan u adeegsan-waayo, xoolo ayuu noqdaa ama waaba ka hooseeyaa!!!