Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Chiristan Dad Shocked Son Convertid To Islam .. Dood Dhaxal Ah Oo Dhex Martay Aabe Gaal Ah Iyo Wiilkiisa Oo Muslimay

Thursday - July 21, 2022




Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri:  Aabo waqti walbo Salaadan aad tukato waa imisa Maalintii, kolkaas ayuu wiilki ku jawaabay: Shan waqti ayaan Tukada oo haddana jawaabtiisi si raaciyey yirina:  Ee Aabo dhib ma-lahane maad iska soo islaamtid.

Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukanaa Salaadahan soo ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale , Duhur walbo waqtigaan oo kale waad Tukataa berina way imaanaysaaye soo iskama dhaafi kartid. 

Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri Aabo, Maalin kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa , waxaad joogteeysaa cabista biyaha , Bal ka waran Maanta hadii aad iska deyso ood beri ka dhigato Cuntada

Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada waayo ma sii noolaan karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin

Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey haku caasinin ayuu wiilkii aabihiis ku yiri .. Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in Odaygii uu sidaas ku soo Muslimo.