Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Jabki Afraad Ee Farmajo Soo Gaara .. Xasan Shiikh Oo Xirirki Dawladihi Farmaajo Dagaalka Tooska Kula Jiray Soo Celiyey .. Waa Jabuuti, Kenya, Masar Iyo Imaaraadka

Monday - July 25, 2022




Qaahira  – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday madaxtooyada dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Cabdulfataax Al-siisi oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku bilaabay in waqti badan uusan ku bixineyn xiriirkii adkaa ee Soomaaliya ay la laheyd Masar, balse uu diiradda saarayo xiriirka casriga ah ee ay wadaagaan labada dal.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa khudbadiisi ku yiri: Waxaan xilli kasta xusuusanahay halyeygii Kamaaluddiin doorkii uu ka cayaaray gobanimadeena iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xilligii aan u halgamaynnay xorriyadda. Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, Masar iyo Soomaaliya xiriir xooggan ayaa ka dhaxeeyay oo dhinac kasta taabanayay, Wuxuu intaas ku sii daray “30-kii sano ee aan burburka ku jirnay Masar mar kasta way na garab taagnayd, si ay u xaqiijiso ku soo laabashadeenna booskii aan ku lahayn fagaarayaasha caalamiga ah. Mana jirto xilli maanta kaga habboon inaan xoojinno xiriirkeenna.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in taageerada aan ka heleyno Masar ay tahay mid gaar ah oo ka soo go’day qalbiga waa caawimaad ku qotonta xiriir-keenna qadiimiga ah iyo sida uu Madaxweyne Al-Sisi ka dhawaajiyay taageero gacan ka gaysanaysa danaha labadeenna dal ee gobolka iyo adduunka intiisa kaleba. Waan ka mahadcelinaynaa arrintaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Masar ka balan qaaday in Soomaaliya ay kaalin weyn ka gaysa-doonto sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo mustaqbalka laba qaran.

“Mar kale, waxaan ka mahadcelinayaa doorka Masar ee dib u dhiska Soomaaliya. Mudane Madaxweyne, adiga iyo dadweynaha Masarba waxaan idiinka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee aad ku bixinaysaan dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Qaahira ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar , Kenya, Jabuuti Iyo Imaaraadka ayaa xumaa intii uu xukunka joogay Farmaajo, waxaana sabab u ahaa xiriirkii wanaagsanaa ee Farmaajo uu la lahaa Itoobiya, maadaama ay Masar iyo Itoobiya isku hayaan biyo xireenka wabiga Nile.