Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Aar Baa Aar Ka Dambeya .. Bisad Iyo Nin Xoog Weyn

Wednesday - July 27, 2022




Maalin Maalmaha ka mida Bisad ayaa waxay doontay inay yeelato saaxiib xoog weyn ..waxay Bisadii istustay in Libaaxa Uu u xoog weyn Ugaadra. Markaas ayey tiri libaaxa ayaan la saaxiibayaa. Ka dibna Libaaxii ayay u tagtay oo weydiisatay iney la saaxiibto Libaaxiina waa ka yeelay

Bisaddii iyo saaxiibkeedii Libaax oo maalin wada socda ayaa waxay ku soo baxeen Maroodi. ka dibna maroodigii ayaa libaaxii weerary oo dilay .. Bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii Maroodiga ka dhintay Mayse ilaabin himiladeedii ahayd in ay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay nafteedii ku tiri, Maroodiga ayaa ka xoog weyn libaaxa. Sidaa darteed maroodiga ayaan hadana la saaxiibayaa.?

Ka dibna maroodigii ayay u tagtay oo la saaxiibtay. Muddo markii ay saaxiib ahaayeen Bisaddii iyo Maroodigi, ayaa maalin iyaga oo kayn maraya ay ku soo baxeen nin ugaarsade ah oo qori sita.

Ugaadhsadihi ayaa dabadeedna maroodigii toogtay oo dilay. Markale, bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii-maroodi ee la dilay. Hasa yeeshee, may ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn yeelato. Ka dibna ugaarsadihii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Ugaarsadihii ayaa Bisaddii ay saaxiibeen gurigiisii geeyay. Markay gurigii galeen ayaa ugaarsadaha xaaskiisi ka qaaday qorigii oo ay xeraysay. Ugaarsadihina kursi ayuu iska fadhiistay. Xaaskiina Jikadi ayay gashay.

Bisaddi waxay is tiri, Ugaarsadaha xaaskiisa ayaa ka xoog weyn. Waayo, Qorigii ayay ka qaaday isna wax hadal ah kuma celin ee kursi ayuu iska fariistay .. Bisadi oo yaaban ayaa tiri xaaska ayaa xoog wayn Ugaarsadaha oo iyadaan ayaan la saxiibayaa. Ka dibna iyado Yaawo leh ayey xaaskii jikada ugu tagtay oo la saaxiibtay oo halkaas luf-lufaka iyo hanbada ka heshaa illa ay ka mid noqotay "Kitchen Cabinetka"