Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

China Iyo Mareykan Is Dar-dare .. Milatarigi Shiinaha Oo Doonaaya Inu Masaxo Taiwaan .. Iyo Dawlada Mareykan Oo Tiri: Wax La Eegto Ma Aha

Thursday - August 4, 2022




Beijing  – Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

Dhoolatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xad-gudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

Xisbiga talada haya ee Taiwan Democratic Progressive Party ayaa sheegay in Shiinuhu uu wado dhoolatus uu ku sameynayo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada duulimaadyada, taasi oo ah “dhaqan aan mas’uul ahayn oo sharci darro ah.”


Isagoo si kulul u cambaareeyay dhoolatuskaasi, ayaa Afhayeenka Golaha Wasiirada Taiwan wuxuu sheegay in website-yada Wasaaradaha Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo jabsaday.

Pelosi, oo ah qofkii ugu heerka sarreeyay ee Mareykanka ee booqda Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa ammaantay dimuquraadiyaddeeda, waxayna ballan-qaadday taageerada Mareykanka, iyada oo intaa ku dartay in carada Shiinuhu aysan ka joojin karin hoggaamiyeyaasha adduunka inay u safraan Taiwan. Shiinaha ayaa u yeeray safiirka Maraykanka ee Beijing si ay uga mudaaharaadaan booqashadeeda.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

“Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific,” ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

Si kastaba, labada dal ee quwadaha waa-wayn ayaa marar badan hanjabaado isugu jeediyay arrinta la xiriirta Taiwan.