Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

ILhaay Kama Xishoodo Inu U So Qaato Tusaale Kaneeco Iyo Wax Ka Sii Weyn .. Kaneecada Waxay Leedahay 100 Indhood Iyo 48 ILig Oo Waxay Baarta Dhiiga Qofka Ka Hor Qaniyada

Tuesday - August 9, 2022




Qur'aanka markii tusaale ahaan loogu soo qaatay Kaneecadda, gaaladu aad ayey ula yaabeen iyagoo leh muxuu Alle tusaale ugu soo qaatay Kaneeco ma wax kale ayuu waayey

1400 oo Sano kadib ayaa waxaa la ogaaday cilmi badan oo aan hore looga ogeyn Kaneecada, Waxaa la ogaaday inaysan Kaneecadu aheyn cayayaan yar oo keliya ee ay tahay mucjiso u baahan in lagu waano qaato

Kaneecadda Dheddiga ah: waxay leedahay 100 indhood .. Waxay leedahay 48 ilig .. Waxay leedahay Saddex Wadne .. Dhinac walba waxay ku leedahay Saddex Garab.

Kaneecadu waxay awood u leedahay inay aragto jirka bani'aadamka si walboo mugdi u jiro .. Waxay leedahay qalab dhiigga baara...sababtoo ah waxaa jira noocyo dhiigag ah oo aysan Kaneecadu ka helin, waxay kalo awood u leedahay inay dhididka bani'aadamka ka soo uriso masaafo dhan 60 mitir.

Waxay awood u leedahay inay suuxiso jirka meesha ay rabto inay qaniinto waa sababta uusan qofku u dareemin ilaa ay howsheeda dhammeysato.

Arinta ugu layaabka badan ayaa ah in la ogaaday inuu jiro noole aad u yar oo ku nool dhabarka kaneecada.. oo aan la arki karin in qalab lagu fiiriyo mooyaane

Subxaana Kan Abuuray Oo Sidaa U Habeeyey