Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Midiyaha Waxaa Loo Sita Maanta Yaad Qadin .. Somaliland Oo Sheegtay iney Qabatay Ciidamo Xamar Ka Yimid Oo Cirro Dalbaday"

Wednesday - August 10, 2022





Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Korneyl Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland ay gacanta ku dhigeen Ciidammo ka yimid Muqdisho, kuwaas oo uu leeyahay musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ayuu ku sheegay Wasiir Kaahin, in Cirro uu Ciidammo ka keensaday Xamar, xilli lagu wado in berri ay bannaanbaxyo waa weyn ka dhacaan deegaannada Somaliland, kuwaas oo ay iclaamiyeen xisbiyada mucaaradka ah.

“Booliska Somaliland ayaa qabtay ciidan Xamar ka yimid oo uu Cabdirraxmaan Cirro xiriir la leeyahay” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin .. Waxaa uu intaas ku daray “Hadalka uu caawa jeediyey Musharaxa Cirro waa khalkhal gelin nabadgelyo darro iyo dagaal”.

Mucaaradka Somaliland ayaa berri qabanaya bannaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu diidan yahay qabashada doorashada loo madlan yahay bisha November ee sannadkan.