Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Zaman La Arax Jabay .. Doonti Labaad Ee Qaadeysa Dhallinyaro Somali Mar Kale Been Loo Miisay Oo Ka Baxaysa Al- Iskanadriya

Saturday - April 23, 2016

Wararka laga soo xigtay dalka masar sona gaaraya waalidiin ku sugan somaliya oo ka miyir-gandoonsan arinkaa ayaa sheegaya in dooni labaad o qaadaysa dhalinyaro u badan reer Somali la filayo inay ku guda jirto todobaadkan ay ka baxdo dalka Masar iyada oo u sii jeeda wadamada yurubta.

Waxaana dhalinyarada lagu rarayo Doonta lagu ururinayaa magaalada al-iskandariya oo ah caasimada labaad ee dalka masar, sidoo kalena ah goobtii ay ka shiraacatay doontii hore ee dagtay ee ay ku dhinteen in kabadan 400 oo dhalinyaro ah.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii doon ay saarnaayeen in kabadan 500 oo dhalinayro ah ay ka shiraacatay dalka Masar iyada oo usii jeeday dalka talyaaniga, balse markii ay maraysay bad-waynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ay qarqatay isla markaan ay goobtaasi ku naf-waayeen dhalinyaro somaali ah oo ka badan 400 oo qof.

Dawladaha somalida oo ah dawlada ugu badan ee ay dhalinyartoodu tahriibto Ayaan iyagu wali talaabo cad ka qaadin aafada tahriibta ee ay dhalinyaradu ku maranayso iyo waliba dadka mukhalasiinta ah ee ka ganacsada tahriibinta dadka.