Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

99-Ka Magac Asmaa-ul Xusnaa Ee ilaahay Iyo Ahmiyadooda

Sunday - April 24, 2016



ilaahay wuxuu leeyahay magacyo wan-wanaagsan, saa darteedna waxaa wanaagsan in qofka muslimka ah u ku baryo ilaahay magacyadiisa wanaagsan muraad-kasta magaca ku haboon isaga oo ugu yeeraya (Yaa Allaah) .. ilaahay waa tuu yiri: ibarya aan idinka aqbalee, hadaba si uu qofka muslimka ah dhibaatada uga baxo muraad-kiisana u gaaro, waa inu ducadiisa ku furaa ilaahay oo uu mahadiyo ka dibna duceystaa isaga oo wasiilo ka dhiganaya magacyada wan-wanaagsan ee ilaahay, kadibna saliga nebiga ku soo gunaaanadaa ducadiisa.

Rasuulka NNKH, wuxuu abu-hureyra RC ka wariyey inu yiri: ilaahay wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan magac, qofkii kooba oo xafida janada ayuu galayaa.
Xadiith ay waryeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu leeyahay Rasuulka SCW wuxuu yiri: qofkii dareema tiiraanyo,deganaan la'aan ama mushkilad ha akhristo ducada laga soo qaatay magacyada ilaahay ee (asmaa-ul xusnaa) markaa ilaahay wuu ka qaadaya ama ka fududeynayaa dhibaatadi wuxuuna qofku oranaya;  laa ilaaha ilallaahu cazimu xaliimu .. la ilaaha illalahu rabbul-carshi cadim ..  la ilaha illallaahu rabi- samaawaati wal- arli wa rabul carshi karim.

Marka aad dooneyso inaad taxdo dhamaan 99-ka maga ee ilaahay hal mar dheh; Huwa Alaahu aladi la ilahu ila huwa. ilaa dhamaadka aad ka gaarto. laakiin xarafka ugu dambeeya ee magac kasta waa in aad ugu dhawaaqda shaqalka godninka sida (Araxmaanu) oo aad isla markiiba ku xirtaa magaca ku xiga.
marka aad dooneyso inaad magacyada hal-hal u akhrisato sida ku duceysiga waxa aad ku dareysa magaca ( Yaa) adiga oo ka hor marinaaya kana tagaya ( Al) . tuusaale: Yaa Raxmaanu, laakiin ha dihin (yaa Al raxmaanu).

1-Allah: Yaa alaah Qofkii isaggoo magacaan leh, ku celceliya 1000 jeer, ilaahay qalbigiisa wuxuu ka sifeynaya tuhunka iyo shakiga, go'aan iyo iimaan baana ilaahay ugu badalaya, haddi qofku qabo cudur aan daawo lahayn ama uu daaweyntiisa ka daalay oo u magacan ku celceliyo , ilaahay ka baryo inu biskeeyo wuu ka bogsanayaa. inshaa-allaah .. inshaa-allaah
2- Ar-Rxmanu: Yaa Raxmaanu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer, salaadaha faralka ah kadib wuxuu yeelanaaya xusuus wanaagsan iyo fiijignaan,damiin qalbi adagna ma noqonaayo.
3- Ar- Raximu: Yaa Rxiimu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer salaadaha ka dib dadka oo dhami wuxuu ilaahay uga dhigaya aabe iyo hooyo, wuxuuna ka badbaadinayaa masiibooyinka dunida .. inshaa-allaah.
4- Al-Maliku: Yaa Maliku, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan marar badan salaadaha subax ka dib maalinkasta wuxuu noqonaya mid tanaad ah .. inshaa-allaah.
5-Al-Qudusu: Yaa Quduusu, isaggoo leh qofkii magacaan ku celceliya 100 jeer maalin kasta, wuxuu ilaahay ka xoreynaya wel-welka, walaaca iyo cuqdad nafsiga
             Inta Kale Ee Asmaa-ul xusnaa nagala soco Todobaadka dambe.