Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Somaliya Inta Ay Xukumaan Xaar-Wal-Waalo Amase Xaalada La Ogyahay Ku Jirta Dan Ma U Tahay In Cuna-qabateynta Hubka Laga Qaado?

Tuesday - May 3, 2016



Hogaamiyaasha Somaliya ayaa maalmahan waxay u gucleynayaan in cunaqabataynta hubka ee dalka saaran laga qaado, waxayna ku doodaan Shabaab laga ma adkaan karo nabadgelyadana lama sugi karo haddii aan la helin ciidan iyo hub xooggan. Haddaba run ahaantii soomaalida xaaladaa la ogyahy ku jirta dan ma u tahay maanta in hubka loo fasaxo?

1- Dunidu markii ay cunaqabataynta hubka ku soo rogtay soomaalida waa loogu danaynayay waayo waxaa socday is xasuuq ba’an iyo colaad waalli ah.
2-In kasta oo aanay cunaqabatayntu dagaallada joojin, haddana shaki ku ma jiro khasaaruhu in uu aad  uga sii badan lahaa haddii hubku furnaan lahaa.
3- Maanta Soomaaliya dawladda ka jirta dunidu sharci ahaan waa ay aqoonsan tahay, laakiin weli waa dawlad dadkeedu aad ugu kala qaybsan yahay.
4- Kala qaybsanaanta waxaa sal u ah kalsooni darro iyo baqdin ka dhexaysa bulshada. hadba qolada madaxweynuhu ka dhashay baa inta badan dawladnimada isa siisa oo inta kale xashiis moodayaan.

Inta ay baqdinta iyo kalsooni daradu jirto colaad baa taagan, dagaal baana goorta uu doono qarxi kara, waayo dagaalku sidiisaba wax uu ka dhashaa baqdinta iyo aammin darraada. Hubka oo la furaa dhab ahaantii taas ayay sii xoojinaysaa. Waxuu kale oo hubku dhiirri gelinayaa in muran badan oo wadahadal u baahan in awood la isu adeegsado.
Dhanka kalena dawladda waqtigan jirtaa qaabka qabiilaysan ee ay u dhisan tahay, jileeca sharciyadeed iyo daloollada maamul ee ka buuxa wax ay keeni kartaa hubkaasi in uu kooxo aan sharci ahayn gacanta u galo, sida hadaba dhacda. Taa ka sokow haddii hubka la fasaxo ma aha dawladda dhexe oo qura cidda heli doontaa ee koox wal iyo gobol waliba fursaddaa wuu ka faa’iidaysan doonaa, hubka dunida tuunsan ee lacagta lagu doonayo ayaana dhulka soomaalida ku soo butaacaya, waxaana bilaabmaya tartan hub is hubayn ah. Sidaa darteed ma habboona maanta Soomaaliya in ay noqoto suuq hubka u furan.

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud hubka uu maanta u haliilayo marmarsiinyuhu waa in Shabaab lagula dagaallamayo. Laakiin arrinku sidaa u ma fududa. Shabaab waa koox soomaaliyeed oo ka mid ah kooxaha badan ee loo qaybsan yahay. Waxa qura ee ay kuwa kale kaga duwan yihiin waa in aanay iyagu qabiil ahayn, iyo in shisheeyuhu sharaystay oo la col yahay. Shabaab ma aha wax samada ka yimid ee waa qayb ka mid ah bulshada soomaalida. mabda' Qabiilna iyagu kuma aasaasmin, laakiin wax ay ku tanaadaan oo ku tarmaan hadba gobolka dulmigu ka jiro ee qabiilooyinku is qabsadaan. Ma dhacdo mana dhici karto gobol nabadeed oo dadkiisu is ogol-yahay in ay awood ku dhex yeeshaan. Taasina wax ay inoo xaqiijinaysaa Shabaab in uu ka mid yahay kala qaybsanaanta iyo heshiis la’aanta bulsheed. Maalinta ay qabiilooyinku nabdaan, ee kalsooni iyo caddaalad la helo, maalintaa Shabaab ma jirayaan. Inta ka horreysana xitaa haddi nukliyeer loo adeegsado laga ma adkaan karo, waayo la waayi maayo dad soomaaliyeed oo iyaga badbaado u arka.