Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qiiso La Yaab leh: Gabar Ninkeeda Lix Sano Sariir La Seexan Sababtaan Awgeed

Wednesday - April 27, 2016



Gabar ka mida dumarka diinta bartay isla markaana faafisa, ayaa maalin maalmaha ka mida sidi caadadeeda ahayd waxay bilooday iney hablo dumara u jeediso muxaadaro ka hadleysey ajarka ay leedahay Sadaqada.
Markii ay muxaadaradi dhamaatay ayaa Shiikhadi istaagtay oo ka dalbatay Dumarkii goobta isugu yimi ay sadaqo hor ilaahay ah ay ula baxaan laguna caawiyo dadka danyarta ee ku nool isla xaafada.

Shiikhada oo warbixintan sheegeysa ayaa waxay tiri: waxaa ii timid mid ka mid ah Dumarkii muxaadarada soo xaadiray, markaasey ii dhiibtay set-Shabkad dahab ah oo ay xirneyd, waxayna tiri: Dahabkaan aad ayuu qaali igu yahay oo qof agteyda qaali ku ah ayaa ii siiyey, isla markaana waxaa ka buuxa dheman culeyskiisana aad u jeedo.

Shiikhadi ayaa ku tiri gabadhi: maya ma qaadanaayo Dahabkaan ee iga daa, markaas ayey gabadhi ku adkeysatay go'aankeedi waana ay diiday inaan u soo celiyo iyadoo leh inkasto ay agteyda qaali ku yahay haddana inaan dar Alle u sadaqeysto marnaba kala bakhilmaayo.

Kadib ayaa Shiikhadi qaaday setkii-Shabkada oo u geysay dahable ku yaala suuqa dahablaha ah si ay lacag uga soo dhigto kadibna ugu wareejiso dadka dan yarta ah ee xaafada kula noolaa. Ninkii dahablaha ahaa ayaa yiri inteynu misaamin waa inaan dahabka dheemanka ka gurnaa si aan iyagana si gaara ugu miisaano.
Hadaba Ninkii markii u ka dhameeyey dheemankii dahabkii ayuu wuxuu ugu tagay godadkii dheemanka ku jireen timo iyo cidiyo ku jira. dabadeed Shiikhadi oo iyadana yaaban ayaa intaa qaaday ciidiyhi iyo timihi iyo waliba lacgti ay ku gaday, ayeey maalinti ku xigtay gabdhihi u qabatay darsi muxaadaro, kadib markii ay dhameeysay muxaadaradi ayey u yeertay gabadhi maalnti hore la baxday setkii-Shakbada dahabka ah, waxayna weydiisay timaha iyo cidiyaha loogu tagay godadkii dheemanka laga saaray. gabadhi oo yaaban ayaa waxay ku jawaabtay: Ukhti waan dhibanaa oo muddo ayaan tiic-tiic iyo murugo ku jiray oo aan ahaa sidi qof naxash saaran, waxaan gaaray heer aan Ninkeyga Sariir la seexan muddo lix sano ah, laakiin markaan sadaqada la baxay oo aan dahabka kugu wareejiyey, mar qura waxaan dareemay in nolosheydi si lama filaan ah dib igu soo noqotay iyo sidi hore ee caadiga ahayd, oo niyad baan u laday. waa markii ugu horeysay ayey tiri oo ninkeygi iyo caruurteyda miis ku wada casheynay, waana la seexday seygeygi sidi aan ahay aroos cusub .. sedkaan-Shabkada wuxuu igu soo galay hadiyad ahaan oo waxaa ii siisay saxiibada aan leeyahay tan aan ugu jeclahay, so tan kaarka sixirka igu rogtay, mana garanaayo waxay igu gashay

Shiikhadi oo ka walaacsan warka gabadhu u sheegeyso ayaa ka acuudu-bileysatay sharka ibleyska oo inta Alle huftay ka dalabtay tiirsimaad iyo gargaar, waxayna tiri; dadka waxay sheeggaan waxbaa ka jira oo waxay sheegi-jireen oraah oraneysa: cadawgaaga hal mar iska eeg, saaxiibkaana kun jeer iska eeg.