Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Boliska Talyaniga Oo Burburiyey Shabakad Dalaallin Somali Oo Dadka Qaxootiga U Sahaleysa Iney Galan Yurub

Thursday - May 12, 2016



Italy-Catania: Howlgalo ay sameeyen ciidamada Booliska Talyaaniga maanta ayaa waxaa ay ku soo qabqabteen toddobo ruux oo loo haysto inay ahaayeen shabakad dadka soo galootiga ah ee doomanka ku yimaada dalka Talyaaniga u sii gudbiya wadamo kale oo qaarada Yurub ka mid ah.

Maxkamad ku taal Catania ee bariga Sicily ayaa amray in 13 ruux la soo xiro kuwaasoo ka mid ah shabakad dadka tahriibiya balse toddobo ruux ayaa la soo qabtay halka dadka kale la aaminsan yahay inaysan joogin gudaha dalka Talyaaniga.

Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada Booliska Talyaaniga oo loogu magac daray  “Somalia Express”, ayay boolisku baareen illaa iyo sagaal guri oo ku yaal Catania kuwaasoo la tuhmayay inay isticmaalayeen kooxdan.

Booliska magaalada Catania ayaa sheegay inay soo furteen illaa iyo 37 ruux oo Soomali ah kuwaasoo u xirnaa kooxdan shabakada dadka tahriibayaa, waxayna wararku sheegayaan in saddex kamid ah dadkaasi ay ahaayeen dad yaryar.

Shabakadan ayaa la sheegay in ay xiriir la sameeyaan qoysaska dadka ay ka soo kaxeeyaan xeryaha qaxootiga ee Sicily kadibna marka loogu soo diro lacago shirkadaha xawaaladaha u sii gudbiya dadkaas dalalka kale ee ay doonayaan,sidoo kale shabakadan ayaa u sameyn jirtey dukumintiyo been abuur ah dadka ay ka soo wadaan xeryaha si ay ugu maraan gudaha dalka Talyaaniga iyo wadamada deriska la ahba.

Hase ahaatee Boolisku ma cadeyn toddobada ruux ee la soo qabtay inay ahaayeen Soomaali ama in ay dalal kale ka soo jeedaan.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa soo gaaray tan iyo bilowgii sanadkan dad qaxooti ah oo gaaraya 31,250 tiradaa oo ka yar boqolkiiba 14 tii sanadkii hore, sida laga soo xigtey wasaarada arrimaha gudaha Talyaanigana sanadkan oo kaliya ayaa waxaa soo gaaray xeebaha Talyaaniga 2,500 Soomaali ah halka sanadkii hore ay tiradu gaareysay 12,176.

Dalka Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada ugu badan ee ay dadka soo galootiga ah ee ka soo cararaya dagaalada sokeeye iyo saboolnimada ay u tahriibaan iyadoo intii u dhexeysay 2014-15 ay dooman ku galeen dad gaaraya 320,000 oo qaxooti ah.