Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa qaybti Afaraad Ee 99-ka Magac Ee ilaahay Iyo Ahmiyadooda

Sunday - May 15, 2016



Anigoo tixgalinaaya codsiyo badan oo iga yimi xaga akhristayaasha ku taxan shabakadaan oo si gaara ku dalbaaya in loo si wado taxanaha casharadaan ku duugan ahmiyada magacyada Alle, sidaa darteed waxaan halkaan idin ku soo gudbinaya qaybti 4-aad ee magacyada ilaahay ( Asmaaul Xusnaa) iyo ahmiyadoodda.

41- Al- Xasiibu
      Yaa Xasiibu, isagoo leh haddi u qofku ka baqo shar Aadane ama wax kale shartooda oo u magacaan ku celceliyo 70 jeer oo subaxdii ah iyo 70 jeer oo habeenkii ah muddo sideed beri ah, isagoo ka bilaabaya maalin-kasta khamiis ah ilaahey wuxuu ka xijaabayaa shar insi iyo mid jinba .. inshaa Alaah.

42-Al-Kariimu
      Yaa kariimu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan xiliga u jiifanaayo, aduunyada waxaa lagu siinaaya xurmo, aakhirana wuxuu ka mid noqonaya kuwa loo nicmeeyey .. Qofkii doonaya in lagu tiriyo kuwa ilaahay ka cabsada waa inu afka ku hayaa magacaan ilaa u ka hurdo .. Inshaa Alaah

43- Al-Jaliilu
      Yaa Jaliilu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya markasta Alle xagiisa wuxuu ka helaya sharaf iyo darajo .. Inshaa Allaah

 44- Ar-Raqiibu
       Yaa Raqiibu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan, todobo jeerna ku akhriya naftiisa, reerkiisa iyo maalkiisa, oo ku tufa sidaasna ku wada ilaahay ayaa ka ilaalinaya burburka iyo masiibooyinka .. inshaa Alaah

45- Al- Mujiibu
       Yaa Mujiibu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya ilaahay wuxuu ka aqbalayaa ducadiisa, kuwa ducadooda la aqbalayana ilahay wuu ku darayaa .. Inshaa Alaah

46- Al- Waasicu
       Yaa Waasicu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya oo noloshu ciriiri ku tahay haddi uu markasta magacaan afka ku hayo ilaahay nolosha wuu u waasicinayaa .. Inshaa alaah

47 Al- Xakiimu
      Yaa xakkiimu isagoo leh, qofkii si jooggta ah ugu celceliya magacaan waqti ka waqti wax dhibaata ah kalama kulmaayo shaqadiisa albaabka xikmadana ilaahay ayaa u furaya

48-Al-Waduudu
     Yaa Waduudu isagoo leh, haddi bulsho muran iyo colaad ka dhaxeeyso oo magacaan lagu duceysto 1000 jeer khilaafkii dhexdooda jiray wey ka heshiinayaan, jaceyl iyo isku dabacsanaana ilahay waa u dhex dhigaya .. inshaa Alaah

49-Al-Majiidu
      Yaa Majiidu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan haddi u qof qabo cudurada xun xun sida furuqa ama cudur u daawo u waayey ee u soomo habeenada cadada 13,14, 15 dayaxa marku afuraayo u ku afuro biyo u ku akhriyey magacaan ilaahay cudurkii waa u ka biskeynayaa ..  inshaa Alaah

50- Al-Baacithu
       Yaa Baacithu isago leh qofkii ku celceliya magacaan cabsida ilaahay ayaa qalbigiisa ku weynaaneysa haddi qofku marku seexanaayo inta laabta xabadka gacanta saarto u yiraahdo magacaan 101 jeer qalbigiisa ilaahay waxuu ku nooleynayaa aqoon iyo xikmad .. inshaa Alaah

51-Ash-Shahiidu
      Yaa Shahiidu, isagoo leh qofkii ay ku caasiyoobaan ilmihiisa ee ku celceliya magacaan subixi 21 jeer maalin kasta isagoo gacantiisa ku tufaya saaraya wajiga qofkii caasiyoobay, waxay u noqonayaan kuwa hogaansama oo Baariyaal ah.. inshaa Alaah

52- Al-Xaqu
        Yaa Xaqu isagoo leh qofkii ay wax ka maqanyihiin oo ilaahay ku barya magacaan ilaahay baadidiisa waa u soo celinaya .. inshaa Alaah

53-Al-Wakiilo
      Yaa Wakiilo isagoo leh qofkii ay ku dhacdo masiibo dabiici ah ama ka baqa iney ku dhacdo oo uu biyo ku hafto ama dab ku gubto ama khatar kale soo wajahdo ee magacaan si joogta ah ugu celceliya waqti ka waqti, wuxuu galaya ilaahay amaankiisa .. inshaa alaah

54-Al-Qawiyu
      Yaa qawiyo isagoo leh qofkii aan iska difaaci karin cadwiigsa ama la dulmiyo oo ku celceliya magacaan si niyad ah oo shakii lahayn wuxuu ka badbaadaya waxyeelada cadawgiisa .. inshaa Alaah

55-Al-Matiinu
      Yaa Matiinu isagoo leh qofkii ay mushkilad qabsato oo ku celceliya magaacaan dhibkii ilaahay baa ka qaadaya, inshaa Alaah

56-Al-Waliyu
      Yaa Waliyo isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan wuxuu noqonaya ilahay weligiis (rafiiqiis) inshaa alaah

57- Xamiidu
       Yaa Xamiidu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 93 jeer muddo 45 beri ah wuxuu noqonaya mid adoomada ilahay wanaag kala kulma.. inshaa alaah

58- Al-Muxsii
       Yaa Muxsii isagoo leh qofkii magacaan 100 jeer ku celceliya  maalin-kasta ilaahay wuxuu u fududeynaya su'aalaha maalinta qiiyaame naxriistiisana waa siinaya

59- Al-Mubdi'u
       Yaa Mubdi'u isagoo leh qofka haddu magacaan lagu tufo 99 jeer naag ur leh oo ka baqeysa iney dilanto ama dhiciso ilaahay khtartaas waa ka badbaadiya . inshaa Alaah

60- Al-Muciidu
Yaa Muciidu, isagoo leh qofkii  uu qof ka lumay haddi u magacan ku celceliyo 70 jeer waa u helaya inshaa Allah
                        Kala Soco Halkaan Qaybaha Dame ee Harsan