Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gudoomiyihi Ururka Haweenka Gobolka Mudug Marwo Dhudi Yuusu Jiille Oo Dil Waxashnimo Loo Geystay

Wednesday - June 8, 2016



Wararka na soo gaaray ayaa tilmaamaya in Gudoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug Marwo Dhudi Yuusuf Jiille ay dhagar-qabayaal bustoolada wata salaadii maqrib ka hor ku dileen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxay ka mid ahayd xubnaha gudiga sanaduuqa dhaaqaale ururinta iyo gudiga taakulaynta ciidamadii waxyeeladu kasoo gaartay dagaaladii u dhexeeyey Al- shabaab iyo Puntland.

Dhagar-qabayaashi dilka gaystay ayaa goobta isaga dur-duriyey iyadoo ciidamada ay goordanbe soo gaareen goobti shilku ka dhacay oo ay halkaas baaris iyo hawlgalo ka sameeyeen, sida la sheegayna illa hadda ma jirto cid saxaafada loo bandhigay oo hawlgalkaasi lagu qabtay, waxaase la filaya iney ka hadlaan saacadaha soo socda sidi falku u dhacay iyo sida ay baarista u wadaan.