Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweyne Ramzan Kadyrov Oo Wadadi Ugu Weyneyd Caasimada Chechnya Ku Magacaabay Feeryahan Muhammed Ali

Saturday - June 11, 2016

Grozny:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa si rasmi ah xariga uga jaray, taalo, Waddo iyo garoon ciyaareed oo dhamaantood loogu magac daray, Boqorkii feerka aduunka, geesigii Muslimka ahaa Muhammad Ali, kuwaas oo ku wada yaala caasimadda Jamhuuriyadaas ee Grozny.

Madaxweynaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa sheegay in waddadii ugu waynayd caasimadda Chechnya ee Grozny oo markii hore lagu magacaabi jiray, Kirov Avenue ay ku badaleen Muhammad Ali, waxaanu sheegay in talaabadani tahay mid cadayn u ah xoriyada muslimiinta Ruushku ku naaloonayaan.