Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Islaam-nimadu Waa Ibleyska Oo Aanad U Yeeran Oo Albaabka Ka Furin .. Islaamku Waa Talada Iyo Go'amada Oo Shacabka Lagula Shuraakobo Ee Ma Aha Soonka Iyo Salaada Kaliya

Wednesday - June 15, 2016



Islamku waa cadaalad iyo sinaan .. Islamku waa raxmad iyo akhlaaq .. Islamku waa dariiqa nolosha bani’aadmiga oo dhan ..  Islamku waa cilmi iyo shaqo ..  Islamku waa Markabkii xaga Alle loo racayey.
Islamku waa wada-tashi iyo isu tanasul iyo macamil suban .. islamku waa nabad iyo shacabka oo go'aanka lagula shurakobo.

Islamku waa in cadaalada iyo xuquuqda bulshada u dagaalanta. islamku waa in aad xoriyada iyo sharafka iyo karamada ku dagalanta.islamku waa in aad difacda diintada,iyo dhaqankaga suban.
Islamku maaha in aynu sida xoolaha u nolaano, illaahay inooma aburin in aynu Cuno oo Cabno oo Galmono oo Seexano.waxaynu u abuuranahay in aan illaahay Islaamnimo ku cabudno.
 
Islamku waa dadka jilicsan,iyo wayelka iyo danyarta oo loo naxariisto, Islamku waa fuqarada iyo masakiinta iyo agoomaha oo la daryeelo. Islamku waa jiilkan iyo jiilka ka danbeya iyo jiilasheena tarmaya oo laga fekero. islamku waa bulshada in aan qabiil hub loga dhigin, lakin cilmi looga dhigo.

Siyasada Islamku maha in lagu milo argagixiso, wuxu ku qotoma Islamku xoriyad iyo nabadelyo. wuxu ka soo horjeeda qarxiska qaab kasta ay ledahay iyo nooc kasto ay tahayba ee aynu manta arkayno.ee ay ka mid tahay Babuurta lagu qarxinayo bulshada dhexdeeda,iyo dadka is-qarxiya.

Islamku waa inaad u macamishid, sida aad u jeceshahay in lagula macamilo. Islamku waa in aad dadka wejiga u furtid, sida aad u jeceshahay in lagug furo.islamnimadu waa in aad dadka u sara kacdid sida aad u jeceshahay in lagugu kaco. islamnimadu waa in aad dadka cawisid, sida aad u jeceshahay in lagu cawiyo. Islamnimadu waa bulshada oo aad hadalka qarar ka ilalisid sida aad u jeceshahay in lagaaga ilaaliyo.
Islamnimadu waa adiga oo ixtirama xoriyata qawlka iyo xoriyada ganacsiga.islamimadu waa in aad ixtiramtid distoorka iyo xeerarka dalka u yaal. islamnimadu waa in aad ixtiraamtid xuquuqda bulshada. islamnimadu waa in aad ixtiramtid xuquqda madaniga ah ee shakhsigu xaqa u leyahay.
islamnimadu waa in aad qadarisid culimada diinta,oo ixtiramtid dadka u saxibka ah xikmada iyo talada iyo caqliga.