Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Deg Deg Ah: Jilba Culusta Dhaqanka Ee Tanade-Daarood Iyo Dadyoow Miisaan Ku Leh Beesha Dhexdeeda Oo Degmada Galdogob Shir Uga Bilaawday

Thursday - June 23, 2016



Galdogob-Wararka naga soo gaaraya degmada galdogob ayaa tilmaamaya in shalay halkaas u ka furmay shirweyne ay ka soo qayb-galeen jilba culusta guurtida Tanade-darood ee guud ahaan ka kala yimi gobolada Bari, Nugal, mogdisho, qurbaha iyo degaanada Mudug iyo weliba gaar ahaan dadyow miisaan ku leh masraxa siyaasada guud ee beeesha iyo guud ahaan dalka .. shirkaas oo si dhaqan ahaana loo agaasimay waxaa furay isla markaana gudoomiyey Ugaaska dhaqanka beesha Ugaas Maxamuud.

Maddasha shirkaas oo ka dhacayey holka shirarka qasriga boqortooyada ee looga arimiyo Beesha Tanade-daarood .. Qodoboka ugu horeeya ee ajeendada shirka la rabo in lagu gaaro waa kan midnimada beesha, waana arinta ugu muhimsan oo la'aanteed horumar la gaari-karin, isla markaana la doonaayo in halkaas lagu dhayo dhaawacyadi iyo daqaradi badnaa ee ka dhashay kala fikir duwanaashaha siyaasiyiinta beesha ee dhalisay in caqligi iyo xikmada ay dad badani ka guurto, isla markaa la dhaqan galiyo sidi loo noqon lahaa umad wax wadaagata oo hadana hogaamin siyaasadeed iyo mid dhaqan leh, iyo gaar ahaan shirka oo ujeedadisu ka mid tahay sidi reerko hal jiho ugu duuli-lahaayeen, iyo markasta oo hal go'aan la wada qaato.
Shirkaas oo socon-doona maalmo, waxaa kalo shirka wada hadaladiisa lagu meel marin-doona sidi looga arinsan lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta maamulka bartanka looga jiro ee xarig jiidka ka jiro.