Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

UNka Oo Ka Digtay Cunayarida Ka Jirta Soomaaliya Iyo Danjire John Yates Oo Ka Hadlay Soomaaliya

Monday - July 28, 2008

Baris (Afp) : Sida lagu shaaciyay ilo wareedyo hor dhac ah oo ay heshay wakaalada wararka u faafisa wadankaasi Yurub ee France ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (AFP) ayaa lagu sheegay in gudaha wadankani Somalia ay haatan ka jirto xaalado cuno la’aan oo aad u liidata kuwaasi oo badi heysta mujtamaca colaadaha ku barakacay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warantay in macluumaadkaasi ay ka soo xigatay qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa kuwaasi oo digniino argagaxleh ka muujinaya dhibaatooyinka qiima korarka dhinaca ascaarta ay Soomaalida galiyeen sicirbararka aan sal dhigan ee weli jira suuqyada aduunyada oo idil.