Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Isku-Dey Afgambigi Dhicisoobay Ee Turkiga Waxaa Ka Dambeeyey 2839 Sarkaal Iyo Sarkaal-xigeen .. Xukumada Turkiga Oo Shaacisay In La Soo Af-Jaray Afgambigi Xalay Dhacay

Saturday - July 16, 2016



Xukuumadda Turkiga ayaa si rasmi ah goor-dhaw ugu dhawaaqday in la soo afjaray Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay, iyadoo hawl-gallo la sameeyay lagu Qab-qabtay Kumannaan sarkaal oo ka tirsan Millateriga dalkaas.

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Af-gabigaan uu ku lug lahaa wadaadka Musaafuriska ku maqan ee Fatholahi Ghulam, Laakiinse Wadaadkan ayaa eedeyntaas iska fogeyay, isagoo sheegay inaysan jirin wax lug ah oo uu ku lahaa.

Ku-simaha taliyaha millateriga dalka Turkiga, Umit Dundar oo warbaahinta la hadlay goor-dhaw ayaa sheegay in hawl-galkii lagu soo afjarayay Afgambiga dhicisoobay lagu guuleystay, ayna xukuumaddu gacanta ku hayso Amaanka guud ee dalka.

“Turkigu wuu ka guuleystay kooxdii waalnayd oo bambooyinka ku weeraray Xarunta Baarlamaanka iyo shacabkooda, mana dhici doonto in kooxahaas si fudud lagu cafiyo,” ayuu yiri Umit Dundar.

Sidoo kale, RW Dalka Turkiga, Binali Yildrim oo isaguna shacabka Turkiga kala hadlay Warbaahinta – ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen isku-day Af-gambi oo keliya, balse uusan dhicin wax Af-gambi ah, lagana guuleystay kooxihii isku-daygaas sameeyay.

“Isku-daygaan waxaa sameeyay 2,839 askari iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo ka tirsanaa Millateriga Turkiga, dhammaantoodna ciqaab adag ayaan la marisiin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Yildrim.

Dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyay ee Af-gambigan kasoo baxaya ayaa ku warramaya in 190-qof ay ku dhinteen intii uu afgambiga iyo hawl-galladu ay socdeen, kuwaasoo ay ku jiraan 41-saraakiil ah oo ka tirsan booliiska dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay ku warramayaa in xaaladdu ay hadda tahay mid deggen, inkastoo waddooyinka Ankara iyo Istanbul ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan.