Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

General Wesley Clark: Afarta Xaalood Oo Keentay In U Fashilmo Inqilaabkii Khamaarka Ahaa Ee Turkiga

Saturday - July 16, 2016



Generaalka Wesley Clark oo horay u ahaan jiray Taliyaha sare ee isbahaysiga falfaloosta NATO, ayaa mar la weydiiyey sababaha jabka iyo tacab khasaaraha u keenay saraakiishi Turkiga ee inqilaabka horboodeysey, wuxuu si cashar ah ku sababeeyey in afar wax-yaabood ay ugu socon-weyday ku tala galkii afgambiga. kuwaasoo ka mid ah:
 
1- Waa marka hore ma ay qaban madaxweynihi Dalka, mana ay hubsan halka u ku sugan-yahay
2- Ma ay xirin, mana ay xukumin service-kii electronic-ga waves-ka isgaarsiinta iyo internatkii dalka ka shaqeynaayey, oo halkaa wrig-wirigtoodi xeesha iyo sirtoodi  ku baxday
3- Kuma ay soo daadin amase kuma ay soo dumin jidadka ciidamo fara-weyn oo awood u yeesha iney ka hortagan shacabka qaylo roorka ku yaacay dar-darayna ee sida danabka dusha uga soo dhacay 
4- Si fiican uma ay hanan qabashada caasimada dalka ee Ankara.

Genaralka ayaa intaa warkiisa raaciyey, oo yiri: Bilawgiiba inqilaabku humaag ayu u muuqday, waayo caasimada Ankara iyo halbolayaasha dawlada, oo ay ku badan-yihiin taageerayaasha madaxweyne Ordogan si fiican qabashadeeda uma ay hanan.