Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ma Runbaa In Diyaaradi Madaxweyne Ordogaan Istanbuul Keentay Ay Soo Daadihiyeen Diyaarado Air Force Ay Leedahay Ciidamada Israaiil ?

Sunday - July 17, 2016



Warar ay isla dhex jibaaxayaan masuullinta reer galbeedka, oo aan weli si cad u soo shaac bixin, isla markaana hubsiimo u baahan, ayaa tilmaamay in Diyaaradi Madaxweyne Ordogaan u ku yimid Airaboorka istambuul ay soo daadihiyeen diyaarado Mig ah oo ay leeyihiin ciidamada israaiil, taaso suragal noqonweyday in la soo rido.

Waxaa la sheegay in madaxweyne Ordogaan u markii hore gargaar diyaarad amnigiisa hawada ilaalisa weydiistay saldhiga mareykanka ee ku sugan Turkiga, laakiin codsigaas si maawelis ah ayey isaga dhagooleyeen, oo ma ay siin jawaab u ku qanco, taaso madaxweyne Ordogaan ku noqotay yaab iyo amakaag , laakiin sida la sheegay isla markiiba wuxuu la xariiray ninkii ay dibnaha muddo kala haysteen ee Riisal wasaare Nityahu, oo ka dalbaday diyaarado dagaal, oo ilaalisa diyaarada u ku tago istanbuul waana u ka ogolaaday,oo amaankiisa xaga hawada kala tacaalay illa u ka tagay istanbul. arintaaso keentay in kooxdi xukun marooqsiga wadatay ay awoodo-waayeen iney duqeyaan diyaaradi sidey Ordogaan, waxayse hor u duqeyeen hoteelki u ku jiray, laakiin saacad ka hor ayuu ka baxay.

Madaxweyne Rajab Ordogan, ayaa sida odoroska ah aad mooda inu ka fiirsanaayo xiriirka u la leeyahay mareykanka, waayo ordogaan si saluug leh ayaa horay looga haya inu yiri: Mareykan marku wax kaa rabo waa u yaqaan sida u awrkiisa kugu kacsado, waa yaqaan beer-laxaawsiga hoosta ka qalalan iyo ujeeedado marku wax kaa rabo isku kaa xoqaya.