Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Talo Soo Jeedin Saami Qaybsiga Xubnaha Tanade Ee Golaha Baarlamaanka

Thursday - October 27, 2016



Dear, Qofna kama daahsoona inaan isku wada raacsanahay in bulshada beesha Tanade-daarood ay taariikhdiisi dheerayd waxay rafataba ay soo mareen xaalado iyo duruufo kala duwan oo kolba dhinac soo dhiganaayey .. durufahaas oo lahaa axwaal karkabo dagaal sokeeye la is ku khsbay iyo waqtiyo qaraami intaba, isla markaana beeshu waxay soo martay caga-jiid siyaasadeed aan hore iyo daba-toona lahayn iyo god mar walba la isku tuuraayo, hasa-ahaate arimahaaso dhan siyaabo kala duwan looga dabaashay.

Taariikhdaa dheered awgeed, Tolka waxaa ka dhashay dad badan oo magac iyo maamuus bulshada ku dhex lahaa oo isugu jiray culimo hormood u ahaa xaqa iyo dhaqan yaqaan oo shaaca ka qaadi jiray meesha beesha laga haysto, waxaa kalo beesha ka dhashay deqsiyaal, garyaqaano aan eexan, taasna ma diideyso in haddana beesha ay ka dhasheen dad xun markasta wax dhabqiya iyo kuwa looga taag-waayey talo xumo

Waxaa kalo la isku diidaneyn in waqtig lixdamaadka illa maanta qooysaskii amase jufooyinkii beeshu ka koobneyd ay si baahsan dhinac kasta oo horumara iska badashay, hadey tahay xag dhaqaale, xag tiro iyo xag aqoon waxbarashaba oo hadaan warka sii jilciyo micnaha ah:

1- jufooyinkii shalay Reer miyiga u badnaa, waxay u bateen reer magal.
2- Jufooyinkii iyagana shalay faqriga iyo gaajadu hardisay. maanta wuxuu helay deeq iyo nicmo lagu duceysto.
3- Jufooyinkii shalay dugaag dhaqmeed lahayed ee jahligu haleelay ayaa maanta yeelatay garaad sareya iyo horseed cilmi.
4- Sido kale jufooyin is dub-duubi jiray ayaa maanta noqday kuwa garab-kooda lagu duulo oo dan-jirayaal u noqday magaci beesha

Hadaba haddi jufooyinki beesha ay 60-kii sano ee la soo dhaafay sidaan kor ku xusay is badal dhan walba ka gaartay, oo micnaha ma jirto Jufo halkeedi shalay taagan. sidaa daraadeed anaguna ka bulsho ahaan iyo ka shakhsi ahaanba waa inaan caqliga daaqada u furno oo hawada u cusbonaysiino oo aan wax ka badelno qaabkii aan shalay u fakareynay, oo halkii shalay fikirka iyo aragtidu taagneyd aan la taagnaan.
---------------------------------------------------
Hadaba iyado lagu guda jiro shir wada tashi ah oo laga falaaqoonaayo saamiga kuraasta golaha baarlamaanka marxalada soo socota, iyado reer walba ceesaantiisi maanta ceelka keenay .. koleyba aniga shakhsi ahaan fikir-keyga iyo taladu, waxaa aan ku soo koobaaya sidaan:

1- Bal marka hore waa In Aan isla qiranaa inaan wada nahay qoysas wada gacal sokeeye ah oo jufo jufo ka sharaf badan ama ka qiimo badan aysan jirin oo xulka xildhibaan loo siman-yahay. kii waayana uu ogaado in walaal la siman u kursiga ku nasiibsaday, isla markaana kii kursiga waayana usan magacyada juf- jufada ku qaraaban ku wardin, ku dhaashan, la isku buufin-karin.

2- Isku ma diidanin in Reerka u meela kala duwan ka deganyahay gobolada dalka siiba aqlabiyadooda ay ku badan-yihiin gobolada Bari, Mudug, jubaland-kismaayo Iyo Nugaal, Sidaa darteed marxaladaan maanta waxaan ku talinaya in xaga qaybsiga kuraasta xildhibaanada lagu saleeyo gobolada ay kala dagan-yihiin beesha Tanade oo eed la'aan sidaan loo kala siiyo oo meeshaba laga saaro magac juf-jufo

1- Gobolka Bari: ..................... 1- Kursi ha la geeyo
2- Gobolka Nugaal ........ ......   1- Kursi ha la geeyo
3-Gobolka Mudug .................  3 - Kursi ha La Geeyo
4- Gobolka Kismaayo ...........  Xiligaan waxa la'aan ha ku raali noqoto

Fiiro Gaara: Qaabka qaybsiga goboleysiga, waxay keeneysa in Ninka reer Muduga ah u kursi ka doonan-karo gobolka Bari ama Nugaal, sido kale kan Bari iyo Nugaal jooga u isna kursi xildhibaan weydiisan-karo walaalihiis bulshada Reer Mudug, taaso meeesha ka saareysa in qofka wax doonaaya u jufadiisa kaliya u dabranaado, balse isaga iyo kartidiisa iyo af-maalidiisa degaanka u doono iska sharixi-karo .. waxayna ku xirantahay qofka wax doonaaya si loo aqbalo inu ahaado hanad libaax oo guud ahaan bulshada Tanade ka gadmi-karo ee usan ahayn caga-baruur tawtawle heensaday qabiilka jufa-jufeynta oo lagu soo saladay beesha.

Codsi Gaara Aan U jeedinaayo Guddiyada Wax Xulaaya

1- Warka oo aan soo koobaayo .. Gudiyow fadlan Caqliga daaqada u fura oo hawada u cusbooneysiiya, oo wax ka badala qaabkii kol hore loo fekeri jiray gaar ahaan markay doorasho noocaan ah idin soo food saarto.
 
2- Caloosha marani ma aha la taliye wacan .. ha noqonina sida sigaarka marka loo baahdo lacagta la siisto, marka la dhameystana cagta hoosteeda lagu bakhtiiyo, laakiin markasta noqda sida biyaha marka la waayo loo dhinto.
3- Ogaada Siyaasiga labadiisa gacmood, midna shar baa ku jira midna kheyr, ee ka feejignaada gacanta sharku ku jiro.

4- Bulsho Gaajo uma dhimato, laakiin waxay u dhimata waa cadaalad daro iyo dulmi .. walaalkaa kula dhashay oo xaq daro ku doodaya oo aad diido, ma aha nacasnimo iyo doqonimo, laakiin waa maratabad xag alle ku weyn, waana sharaf iyo aqoon lays dheer-yahay.

5- Waa is xasuusin in odayaasha dhaqanka oo ku milma aragtida maal-qabeenada iyo siyaasiyiinta,wuxuu la mid yahay Biyo iyo Sun laysku milay. 


7- Caadiyan, waxay noloshu ina bartay in qofku tacab ahaan wixii uu beerto soo goosto, tusaale ahaan haddii uu qofku haruur beerto, waxaa u filaa waa inuu harur u soo baxo, ee ma filo inuu canab ama Tufaax u soo baxo.

8- Dhinaca kale, tacabku ma ahan oo qura wax beerashada miraha, ee iyana waxaa jira tacab xiriir la leh soo saarista xoog iyo maskax binu-aadam oo loo adeegsado kobcinta iyo horomarinta nolosha iyo garashada Bulsho meel ku nool oo macno ahaan u dhadhamaysa .. haddii aad rabto inaad Bulsho ahaan horumarto, waa inaad xulataa cidii ugu haboonayd ee cagta ku saari lahayd dhabaha horumarka iyo tanaadka, taasoo leh sifooyinka kala ah: Aragti fogaanta, Daacadnimo, Amaano, hal-abuurnimo, Dulqaad, Samir, Caddaalad, Geesinimo iyo Dad-isku-wad, markaas ayaad noqonaysaa ninkii Tufaaxa beertay ee Tufaaxa Goostay.

Docda kale, ka waran haddii adigoo doonaya inaad horumar iyo barwaaqo gaarto, hadana aad doorato cidda leh sifooyinka soo socda:- Aragti gaabni, Danaystenimo, balan-darro, caddaalad-darro,  Dulqaad yaraan, Daacad-daro iyo In kale oo  kasii daran, oo hadhowna aad ku cabato, ama ku dooodo wiilashi aanu soo xulnay waxba way qaban waayeen, oo waaba naga dhuu-dhuumanayaan, oo waa jufo-jufeynayaan,  miyaanad markaas ka dhignayn, oo aanad la mid ahayn ninkii intuu Tiinka Beertay, hadana yiri: Maxay Canab Ama Timiri iigu soo bixi waayeen .. Waa Bilaahi Tawfiiq

By Tifaftiraha Shabakada Galdogob Times  M. Alihashi M. Cadaawe
       [email protected]