Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Abaabulihi Afgambigi Turkiga Ka Dhicisoobay Mr. Fatxullaahi Gulen Oo La Sheegay Inu Magangalyo Weydiisanaayo Shan Dal Oo Ka Mida Masar Iyo Kanada

Tuesday - July 26, 2016



Dawlada Turkiga wasiirkeeda cadaalada Mr. Bakiir Bozdaag ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisa ay heshay xog sireed oo sheegeysa in Ninki ka dambeeyey xoogagi afgambiga dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay Mr. Fatxulla Gulen u rabo inu ka baxsado rugta u hadda ku sugan-yahay ee Mareykanka una baxsadoo dal u is leeyahay waad ku baxsan-kartaa.

Wasiirka Bakiir oo warka siinaayey TV-ga Turkiga ayaa warkiisa intaa si raaciyey oo yiri: sida aan warka ku hayno dhagar-qabe Golen waxay u badantahay inu galo Dal aysan Turkiga la lahayn heshiis isu soo celinta dambiilayaasha, kuwaaso sida u yiri ay ka mid noqon-karaan dalka Masar, Mexico Canada, Australia amase South Africa, waxuu kalo wasiirka isago su'aal ka jawaabaya sii carbaabay in mareykanka qosol been ah dhoosha la is tusaayo iyo qoob ka ciyaar u nagu maawelinaayo, taaso cadeyneysa diidmada Mareykanka iney ninkaas soo dhiibto, laakiin taas, waxay keeni karta ayuu yiri iney dhaawacdo xirirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Mareykanka.

Wasiirka ayaa sido kale dhinac ka xusay in warbixino iyo cadeymo tafaftiran laga diyaariyey shirqolkii dhacay oo dhawaan la soo gabagabey nuqul ka mida dawlada Mareykanka si ay u ogaadaan in ninkaas Gulen uu wax ka abaabulay afgambigaas oo dabadeed noo soo dhibaan dhagar qabahaas. laakiin wasiirka ayaa warkiisa intaa ku daray in dhagar-qabe Gulen u ka codsaday dawlada mareykanka inaan gacanta loo galin Turkiga, waxaana maalma-hore qabanay ayuu yiri war u soo diray Gulen  u ku leeyahay taageerayaashiisa adkeeysta oo marna ha ictiraafina inaa dhigteen inqilaab
.
Wasiirka ayaa mar la weydiiyey in raga inqilaabka la qabtay jirdil loo geysto, wuxuu ku jawaabay in warkaa sidiisaba u yahay sheeko halaasi ah iyo bar kuma taal ah, waxaa weeye warar decaayado ay adeegsanayaan Ragi taagersanaa inqilaabka , dadku waxay arkeen buu yiri jeneral oo wajiga iyo dhagta ka dhaawacan, laakiin taaso waxaa sababay ayuu yiri diyaaradi helikoptarka u saarnaa jeneraalkaas ayaa si lama filaan dhulka aayar ugu soo dhacday oo dabadeed arintaa u si shil ahaan ugu dhaawacmay.

Fatxulla Gulen Waxa u ka dhashay qoys dabaqada hoose ah ku jira, oo noloshooda danyar tahay, wuxuuna ku dhashay magalada Erzurum (Ardal Ruum) oo ku taal wadanka Turkiga sanadkii 1941-gii