Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xogo La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Xaaska D. Trump

Sunday - August 7, 2016



Waxaa soo baxaya su’aalo badan oo jawaabo loo la’yahay, kuwaasoo ku hareereesan xaaska ninka u tartamaya jagada madaxtinimada Mareeykanka Donald Trump, waxaa su’aal ka taagantahay sida ay ku noqotay Ameerikaan, ineey horay guur usoo martay iyo sida ay ku heshay Kaarka Cagaaran?.

Melenia Trump, waxaa la sheegay iney ahayd gabar Model ah oo ka soo shaqeysay dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga.

Melenia Trump, waxey asal ahaan ka oo jeedaa dalka Slovenia, waxeeyna muwaadin Ameerikaan ah noqotay sanadkii 2006, hal sano kadib markii ay guursatay ganacsadaha Donald Trump, guurkaasoo ka dhacay magaalada Florida.


Waxeey horay u sheegtay ineeysan waligeed soo guursan kahor Donald Trump, laakiin waxaa la xaqiijiyay ineey guur soo martay.

Melenia, waxeey sheegtay ineey Mareeykanka soo gashay sanadkii 1996, balse Bilooyin kadib ay dalkeeda Slovenia dib ugu laabatay si ay usoo cusbooneeysiisato VISAHA oo ka dhacay markaas.

Sawiradii qaawanaa ee ay jariirada The New York Post, dhawaan ka faafisay Melenia, ayaa la sheegay in laga qaaday xili ay ka shaqeyneysay Manhattan 1995.

Warbaahinta ka howlgasha gudaha Dalka Mareeykanka, ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u tabinayay qaabkii ay Melenia kusoo gashay Mareeykanka iyo sidii ay ku noqotay muwaadinad Ameerikaan ah.

Waxaase la yaab leh in Donald Trump oo hada ah musharaxa u tartamaya xisbiga Jamhuuriga uu dhowr mar ku cel celiyay in hadii uu madaxweyne noqdo uu soo galootiga ka mamnuuci doono Mareeykanka, halka xaaskiisa ay tahay soo galooti aan u dhalan Mareeykanka.

 

Ganacsadaha reer Italy Paolo Zampolli, isla markaasina iska leh wakaalada Metropolitan Models , ayaa wareysi uu siiyay Washington post, waxa uu sheegay in sanadkii 1996 ay Melenia u shaqeyneysay shirkadiisa isla-markaasina uu VISAHA dal ku galka Mareeykanka u xareeyay, sidaasna ay Mareeykanka ku tagtay, sidoo kale waxa uu sheegay in VISAHAAS uu qofka u ogolaanayay in mudo 3 sano ah uu Mareykanka ku noolaan karo.

Mar ay wareysi siisay majalada Harpers, ayaa Melenia Trump, ayaa waxey sheegtay in marnaba maskaxdeeda aysan ku soo dhicin iney Dukuminti la’aan ku noolaato Mareeykanka isla-markaasina ay raaci jirtay qawaaniinta iyo shuruucda u dagsan USA.

“Mar walbo aan damco inaan u safro dibada ama Yurub waxaan qaadan jiray VISA, kadib dhowr mar aan sidaas sameeyay waxaan codsaday sidii aan ku heli lahaa Kaarka Cagaaran, waxaana helay sanadkii 2001” ayay tiri melenia.

Melania Knauss ayaa guursatay Donald Trump sanadkii 2005, waxaana guurkooda uu ka dhacay Mar-a-Lago ee magaalada Florida.