Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Itoobiya Oo Ku Jirta Xaalad Adag .. Waa Inaan Taageernaa Xasiloonida Iyo Dawladnimada Dalkaas Sababaha Jira Awgeed

Thursday - August 11, 2016

Itoobiya waa dalka ugu dadka badan geeska Africa (The most populated country in East Africa) Sidaa darteed Somaaliya iyo gaar ahaan degaamada xuduuda la leh dalkaas dani uguma Jirto in dadka intaa tiro le'eg dhexdooda dagaal ka qarxo, waayo haday barakacaan Cida ugu horaysa ee ay kusoo qaxayaan waa dhinaca somaaliya, awalba iyagoo dowlad leh ayaanu xamili weyney tahriibayaa-shooda iyo gobolada ay degaan ahaan ugu faafeen, isla marka waa in la xasuusnaadaa in Oromada ay noo qabto caro garoortay oo fara badan oo ay la xariirineyso taageerada qabiilka somaali-itoobiya ay siiso dawladaan cadaadiska ku haysa Qabiilka Oromada. isla markaana si doqonimo ah u sheegata in dalka somaaliya ay inta badan iyagu leeyihiin

Hadaba waxaa ila haboon inaan taageerno xasiloonida iyo dowladnimada dalka aan jaarka nahay ee itoobiya .. dagaalkii sokeeye ee somalida dad badan oo somaaliyeed ayaa halkaas iyo itoobiya magangelyo nabadgalyo u tagay, iyagu waa itoobiyaane dantay doonaan ha ka lahaadeene, koleyba nabadgalyo ahaan waa lagu badbaaday, oo dalal kale looga sii dhoofay .. Dhinaca kale Iyadoo la ogyahay wixii jiray, hadana Ma qabo xiligaan in burbur-kooda lagu marmarsoodo oo la yiraah gubashada buulkii somaliya iyaga ka dambeeyey ee iyaguna buulkooda ha gubto .. cidna ma inkiri-karto in burburka somaaliya ku yimi iyo dawlad la'aanta illa maanta jirta ay sababta weyn tahy siyaasiyiiinta somaalida oo itoobiyaanka u kala dhuumaneysay oo lahayd, waan idin jeclnahaye kaalaya oo nala dumiya dalka somaliya. illa hadana markaan dhexdeena heshiin-weyno iyaga loo kala carara oo raali lagu noqdaa go'aan kasta iyo amarkasta oo ay bixiyaan.