Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Wiil U Dhalay Feeryahankii Maxamed Cali Kalay Oo Faqri Adag Ku Noola Ayaa Markii U Dhaxalka Aabihiisi Qaatay Ka Baxsaday Xaaskiisi Iyo Caruurtiisi
Friday - August 12, 2016
Washington (Geeska)- Maxamed Cali-ga yar, waa wiil uu dhalay feeryahankii caanka ahaa ee dhowaan xijaabtay, Maxamed Cali Kalaay, Maxamed Yare muddo sannado ah ayaa uu ku noolaa faqri aad u daran, sababo aan illaa hadda la ogaanna uu deyro aan la sheegin uga ahaa qoyskiisa oo dhan iyo si gaar ah aabihii oo uu xitaa isagu kaga cawday in uu jaray. Laakiin geeridii aabihii ayaa noloshii Maxamed Yare madaxeeda si weyn u dhallaan gadiday, kadib markii uu tobanaan Milyan oo doolar ka helay qaybtiisa dhaxalkii aabihii ka tegey, ayaa ujeeddo aan cidi ogeyn uu mar keliya uga haajiray gurigiisii faqiirka ahaa iyo ciddii ku dhaqanydba, waa xaaskiisii iyo labadiisii hablood .
Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail wiilka uu feeryahanku dhalay oo dhaxalka aabihii qaybtiisa ka qaatay markii uu aabihii bil sii mootanaa, ayaa uu ka guuray gurigiisa ku yaallay xaafad ay degaan dadka fuqarada ah oo ku taalla koonfurta Chicago, waxa aanu u guuray xaafad isla magaaladan ah oo ay degen yihiin dadka ladani.
Hantida uu ka tegey Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feeryahanka keliya ee gaar loogu sharfay magaca ah boqorka Feerka ayaa lagu qiyaasay 80 Milyan oo doolar, Saddexdii bishii Lixaad (June) ayaa ay carruurtiisu isugu yimaaddeen gobolka aabahood deggenaan jiray ee California si ay u dhaxladaan hantidii uu ka tegey aabahood, waana markaas marka uu daqiiqado gudahood maalqabeenka isu beddelay Maxamed yare oo uu aabihii isagu isugu magac daray, laakiin tobankii sano ee u dambeeyey aanu xiriirkoodu fiicnayn.
Wiilkan boqorka feerku dhalay iyo xaaskiisa Shaakira iyo labadiisa hablood oo la kala yiraahdo Amiirah iyo Shaakira ayaa tobankii sano ee u dambeeyey faqiirnimo darteed ku noolaa caawimada dadka ladani ugu samofalaan fuqarada.
Maxamed Cali Kalaay-ga yar ayaa sida warbixintan lagu sheegay maandooriyaha qabatimay, mar kastana waxa uu ku andacoon jiray in aabihii uu dayacay tan iyo carruurnimadii. Waxa uu sheegay in yaraantiisii aabihii iskaga tegey, kadibna uu soo maray nolol silic ah, waxa uu ka sheekeeyey in carruuraha da’ihiisa ahi ay daan-daansan jireen, iyaga oo xaqiraya marar bandanna garaaci jireen iyaga oo ku faanaya in horyaalka feerka dunida wiilkiisa ay iyagu ka adag yihiin, mar uu dhowaan intii uu lacagtan helay warbaahinta u warramayna waxa uu yiri, “Weligayba aabahay intii aanu dhiman waxba kama aan helin” Waxa uu sheegay in munaasabad loo sameeyey sannad guurada dhalashada aabihii intii uu noolaa oo ahayd xafladdii dhalasho ee ugu dambaysay uu xafladda tegey oo aabihii is-arkeen, laakiin aanu aabihii mar dambe la soo xiriirin. Ninkan oo hadda 43 ahi waa wiilka keliya ee uu boqorka Feerku aabaha u ahaa, ayaa hore si cad ugu sheegay in aanu dan ka lahayn wax kasta oo aabihii ku dhaca.
Maqaalo Articles
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Dhacdo Xili Dheer Ka Soo Wareegtay Oo Mudan In La Xasuusto .. Gabadhi Nabsiga Guratay Ee Taariikhda Reer Yurub Gashay Ee Lagu Toogtay Fagaaraha Roma Kadib Markii .....
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story
Akhbaari Zamanki Hore .. Nabi Ayuub Iyo Ducadiisi: Eebow Dhibtii Way i Taabatay Adiguna Waxaad Tahay Rabbi Naxariistaa
Full Story
Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah
Full Story