Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Eey Badbaadiyeey Cunug Yar Oo Hooyadii Meel Qashin Ah Ku Tuurtay

Tuesday - August 16, 2016



Maalmihii u dambeeyay waxaa baraha Bulshada ku kulanto gaar ahaan Facebooka qabsaday sawirada Eey soo badbaadiyay Canug yar oo meel qashin ah lagu tuuray.

Eeygan ayaa xili uu qutul-yoonkiisa ka raadsanayay Qashinka waxa uu arkay Wiilkan yar ee meesha lagu soo tuuray, wuxuuna ku soo qaaday afkiisa, waxaana uu soo dhigay meel daaqad ah guri ka ag dhawaa halkaas, si uu dareenka dadka meesha ka ag dhawaa ugu soo jiido.

Dad meesha marayay ayaa arkay dabadeedna geeyay Isbitaal, halkaasoo canugii yaraay lagu dabiibay, waxaana la sheegay in xaaladisia caafimaadna si aad ah ayay hada u wanaagsantahay.