Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Kulankii Labaad Ee Is Araga Wafdgi U Horkacayey Ugaaska Beesha Iyo Madaxweyne Cabdi-weli Gaas Oo Markale Qabsoomay

Wednesday - August 17, 2016



Garoowe- Waaa xalay goor dambe iyo saq dhexe kulan laba geesood ah ku dhex maray xarunta madaxtooyada Garoowe Wafdigi xarakada xaq-doonka u soo safray U Hogaaminaayey Ugaaska Beesha Tanada Daarood Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Iyo Madaxweyne Gaas halkaaso kulaan-kooda u ahaa waqti yar oo aan badneyn sababo xiliga oo goor dambe ahayd iyo madaxweynaha oo safar arooryo galaayey, hasa ahaate waxaa madaxweyne Gaas shirkaas xasaasiga ah afkiisa ka soo baxay in wixii beesha kaga maqan maamulka maanta jira si dhaqso ah boorka looga jafi-doono, goor dhawna miraheeda la dhadhamin-doono.

Ugu Dambeyn, waxaa lagu balamay in marka madaxweynaha u ka soo laabto safarka xaga Adis Ababa ay dib isu arkaan, waxaana madaweynaha u codsaday in Ugaaska iyo in kooban oo shakhsiyaadka dhaqanka ka mida ah ay iyagu Garoowe ku sii sugaan inta kalana ay dib isaga laabtaan.