Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wax Un Ka Baro Dhalashadi Iyo Geeriddi Imaam Al-Shaafici .. Waa Imaamkii Lagu Nabay Wax Aan Jirin Oo Isagoo Gacmaha Ka Xiran La Horgeeyey Haaruun Rashiid

Friday - August 19, 2016



Imaam Shaafici
: Magaciisa iyo Nasabkiisa:Waxa weeye Maxamed (Abuu Cabdullaahi) bin Idriis binil-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bini-Saa'ib bin Cubayd bin Cabdi-Yaziid bin Haashim binil-Muddalib bin Cabdi-Manaaf. Al-Muddalib

Imaam Shaafici Awoowe labaadkiis, waxaa la oran jiray Shaafic binu-Saa'ib, waana  halka u ka keenay Magaca Shaafici, waxuuna ahaa Saxaabi nolol ku gaaray Rasuulka RCW.
Awoowahaa labaad inkasto u yaraa oo uu markaas uun soo hana-qaadayey.Saa'ib bin Cubayd (Shaafic aabbihiis) wuxuu markii hore ahaa gaal, waxana uu maalintii Badar calanka u siday reer banii Haashim binil-Mudhalib .. Maxbuus ahaan buu ugu dhacay gacanta Nabiga SCW, oo dabeetana intuu isfurtay (Madax-furasho naftiisa ka bixiyey) buu islaamay. Kolkii la weeydiiyey: (Oo maxaad u islaami weyday intaadan xoolaha madax-furashadaa iska bixin), waxa uu ku jawaabay: (Ma dooneyn inaan Mu'miniinta ka xasdo xoolo ay iga doonayeen).

Waxaa la sheegaa in Saa'ib uu suurad ahaan u ekaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam).

Imaam Shaafici afar awoowayaalkiis waxaa lagu tiriyaa inay Saxaabadii Nabiga SCW ka mid ahaayeen waxanay kala ahaayeen; Cabdi Yaziid, Cubayd, Al-Saa'ib iyo Shaafic bini-Saa'ib.

Dhalashadiisii:
Shaafici waxa uu dhashay maalin Jimco ah gobolka Gaza- falastiin, oo ku beegnayd maalintii ugu dambeysay bishii Rajab sanadkii boqol iyo kontonaad ee Hijriga, waana isla sanadkii uu geeriyooday Imaam Abuu-Xaniifa ibnu Nucmaan oo ahaa shiikhii fuqahada reer Ciraaq. waxaase looga si gudbiyey Makka oo uu ku barbaaray.
Marxaladdii Koowaad ee waxbarashadiisa: Imaam Shaafici waxa uu ku koray kuna garaadsaday dhulkii awoowayaashiis Maka, halkaasi oo waxyigu ku soo degay, Islaamkuna ku billowday, culimada muslimiintana cisi gaar ah ku lahayd, loona soo cilmi iyo cibaado doonan jiray.

Imaam Shaafici Hooyadiis
, waxay doontay inay u geeyso macallin bara qoraalka iyo akhriska, sidii caadada ahaan jirtay, ha-yeeshee ma aanay haysan wax ay macallinkaas siiso mood iyo nool midna, waxase uu macallinkii raalli ka noqday in kolkuu dersigu dhamaado uu dugsiga iska soo galo, waa intaasuu ardada wax ka faa'iideysto eh.

Marxaladdii Labaad ee Waxbarashadiisa
: Markaas kadib Masjidka ayuu galay si uu cilmiga uga uruursado afafka culimada kala duwan. Waxa uu muujiyey dadaal iyo dardar iyo dihni furnaan (fahmad badni), inkastooy noloshu ciriiri ku ahayd oo aanu mararka qaar heli jirin wax uu warqadda uu wax ku dhiganayo ku iibsado, waxanay dantu ku kallifi jirtay inuu lafaha la daadiyey uruursado, dadka safarrada ahna awrta u dabro si uu Daraahim uga helo. Duruufaha haystay kolkuu arkay buu nin ay qaraabo ahaayeen kula taliyey inuu shaqaysto oo wax barashada dib u dhigto.

Kolkuu toban jirsaday
,  Shaafici waxa uu dusha ka qaybay kitaabka lagu magacaabo Al-Muwara' ee uu Imaam Maalik qoray, intaanu isagiiba arag. Isla marxaladdaasi carruurnimo ayuuna go'aansaday inuu Gabayada, Adabka, Balaaqada iyo Murtida Carabta iyo luqada Fusxada ah si fiican u barto, maadaama xilligaasi qofkaan intaas aqoon loo haystay in uu yahay qof aan goobaha ka doodi karin .. Baadiyaha ayuu u aaday arrintaas, todobo iyo toban sano ayuuna reero aanu garanayn la guurayey oo la degayey ilaa uu noqday ninka ugu murtida iyo maansada badan, kedibna waxa uu ku soo laabtay magaaladii Makka, halkiina ka sii watay Fiqhigii iyo barashadii diinta.
 
Kolkii uu idlaystay wixii cilmi Makka yaallay, loona oggolaaday inuu iftoodo, welibana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka, waxa la gaaray waqtigii uu socdaal kale u geli lahaa xaggaa iyo Madiina oo uu shiikh ka ahaa Abuu-Cabdullaahi Maalik ibnu Aanas.

Socdaalkiisii Madiina: waxay ahayd magaalada ugu dhow dhaqanka Islaamka xag kastaba.
Rasuulku SCW, waxa uu Madiina kaga tegay in ka badan laba iyo toban kun oo saxaabi. Laba kun ayuun baana ka baxday oo dunida gashay, halka tobankii kun ay degeen ilaa ay kaga dhinteen. Haddaba culimada Madiina waxay u arkayeen in haddii Xadiisku Xijaaz (Makka, Madiina, Jeddah iyo Dhaa’if) ka baxo uu noqon karo mid been ah amaba wax lagu daray, waqtigaasina lama aqoosan jirin aqoonta ninkaan Madiina wax ka baran, oo weliba iyada Imaam ka noqon.

Socdaalkiisii Yaman: Shaafici markuu Yaman tegey hore loogama dhiibin Mansib weyn, balse waxa uu shaqaale ka noqday Maxkamaddii markaas jirtay, ha yeeshee waxa uu muddo gaaban kasbaday kalsoonidii dadka, isaga oo ku caan baxay caddaalad, aqoon iyo shaqo jacayl. Caan kama noqon oo qura Shaafici Yaman, balse warkiisu waxa uu gaaray ilaa Makka, ayadoo dadka reer Yaman ee Makka soo aada bisha Rajab ay asaga iyo ammaantiisa afka uun ku hayeen. Intaas kedib waxa Qaaddi looga dhigay Najraan.

Najraan waxa degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaarith oo caan ku ahaa inay Waaligii loo diro laaluushaan, has-yeeshee taa kama aanay helin Shaafici, caddaalad buuse wax ugu qaybiyey, dabeetana waxaba loo dhiibay Maxkamaddii Yaman oo dhan.
Reer Najraan iyo laaluush la cararkooda buuba khaati ka joogaye, Yaman haddii loo dhiibay oo ayadu markaas ahayd halka Najraanta lafteeda laga xukumo, waxa ku sii kordhay culayskii, cadaadiskii iyo dadkii dibindaabyada la doonayey. Kolkay si kale wax uga qaadi waayeen waxay gaartay heer ay mu'aamaro u maleegaan oo Amiirul-Mu'miniinka (Haaruun Al-Rashiid) ku dacweeyaan.

Ciraaq baa looga yeeray iyo inuu Haruun Al-Rashiid hor istaago isagoo gacmaha ka xiran, tuhmadiisuna tahay inuusan citiraafsanayn dowladdii markaa jirtay.  Mu'aamaradaas loo maleegay wuxuu kaga badbaaday amar ilaah iyo aftahan-nimadiisa iyo aqoontiisa.

Jirradii Shaafici iyo Geeridiisii:Shaafici Alle ha u naxariistee waxa lagu ibtileeyey cudurka Baabasiirka, cudurkaas daraaddiisna dhiig baa si joogto ah uga socon jiray. Waxa xitaa mararka qaar dhici jirtay in intuu faras fuulo dhiiggu gondihiisa ka hooro.  Cid u jirratay sida Shaafici u jirraday way yareyd, waxana daaliyay oo awooddii ka qaaday dhiiggaasi har iyo habeen ka socday. Waxase la yaab leh amaba aynu dhihi karnaa mucjiso in afar sanadood oo uu cudurkaasi hayey aanu maalinna dadaalkiisii ku saabsanaa diin fidinta, cilmi baarista, kutubbo allifidda, iwm., kala joojin sidii ayadoo daawadiisuba ay dadaalkaasi ku jirto.
Shaafici si ba'an buu u jirraday, cudurkuna si xun u dilooday. Malakul-Mowt baa albaabkiisa istaagay asaga oo ajashiisa uun sugaya. Kolkii tiisii soo dhawaatay buu mid kamid ah ardadiisii usoo galay oo weydiiyey: (See tahay hadda?), markaasuu ugu jawaabay : (Waxaan ahay nin adduunyada ka safraya, asxaabtiisii sagootinaya, koobkii geerida ka cabaya, xagga Eebbena u arooraya. Wallaahi baan ku dhaartaye waxan kala garan la'ahay inay nafteydu Janna u socoto oon u hambalyeeyo iyo inay Naar geleyso oon u tacsiyeeyo), markaasuu ooyay.Asagoo xaalkiisu saa yahay baa waxa usoo galay nin la oran jiray Yuunis bin Cabdil-Aclaa, markaasuu Shaafici ku yiri: (Abaa Muusoow, igu akhri Suuradda Aali-Cimraan wixii ka dambeeya Aayadda 120, iguna boobsii oo ha igu daahin. Waan ku akhriyey buu yiri, kolkaan istaag is irina wuxuu igu yiri : (Ha iga tegin waan tabaaleysnahaye).

Imaam Shaafici waxa uu geeriyooday salaadda Cishaha dabadeed habeen Jimco soo geleyso oo ku beegnayd malintii ugu dambeysay bisha Rajab, waxana la duugay maalintii Jimcaha ee ay bisha Shacbaan (Soon-dheere) koowda ahayd sanadkii 204 Hijriyada, waxana uu markaas jiray afar iyo konton sano. Waxa lagu duugay qabuuraha banii Zahrah oo loo yaqaan Turbadii ibnu Cabdil-Xakam, qabrigiisana reer Masar way wada garanayaan, wayna weyneeyaan oo siyaartaan.     Eebbe ha u naxariisto Imaam Shaafici, annagana cilmiguu nooga tegey ha inagu anfaco …….. Aaamiin.