Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Is-Casilaadda Wasiiradda Waa Wiishkii La Boodi-lahaa Nuur Cade

Saturday - August 2, 2008

Waxaa Maanta is-casilaaddoodi soo gudbiyey 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, kuwaasi oo qaarkood ay dalka ku sugan yihiin, halka kuwo kalena ay ku maqan yihin safarro dibadda ah.

Wasiirrada is-casilay oo qaarkood  shir ku yeesheen Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shirkooda shir guddoominayay Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Waxbarashada Avv. C/llaahi Ilka-Xanaf.