Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Bishaar Al-Asad Oo Libin Iyo Guul U Soo Hoyatay Dawladihi Jamaamiirta Ee Baaruuda Huriyey Balaayada Horseeday Oo Xidigoodi Hoobtay

Sunday - September 4, 2016



Mareykanka oo Jaangooyadisu ahayd: suuriya iney is cunto, is barakiciyaan, birta isku asleyaan, kadibna in laga dhigo Dal waslad-waslad ah, oo midba goonideeda loo shiisho, isla markaana si qorshahaas u hirgalo, wuxuu awoodiisa dhan isugu geeyey inu mucaardka noocu rabo ha ahaade u siiyo taakuleyn hub iyo saanad, isla markaana ka caawiyo xaga war-doonka .. waxuu kalo amray isbahaysigiisa Carabta walaalnimada ka dhagabeeshay iney arxanka Suuriya goyaan cagta cagta u saaraan, oo burburka Suuriya u soo baratamaan, iyagoo waa carabte dhinacooda ku taakuleynaya mucaaradkaas hub iyo maaliyad intaba .. Erdogaanka Turkiga ayaa isagana dhiniciisa isa soo maqiiqay oo yiri:  Biishaar Asad kuleyl iyo kar buu nagu haya, mana aqbali-karno inu nagu soo hor mutuxnaado. sidaa daraadeed isagiina tobanle turub soo qaatay ka qayb galay damti dan-yarta suuriya iyo duunyadi oo idlaatay .. Edogaan wuxuu ka kow noqday baratanka loogu jiray burburka iyo fasahaadka lala damacsanaa Suuriya.

Dawlada Ruushka oo fekerkeedu ahayd: Dabkii daashka kaa guba digniin baad ka qaadata. ayaa dibinka ruugtay kana xumaatay kibirka iyo hagardaamada mareykanka iyo xulafadiisa ay kula kacayaan Suuriya waxay ku khasabtay in si diplomaasiyeed doc-kastaba kala hadlaan Mareykanka, hadana waa laga dhaadhcin-waayey, oo hadal wey ku deeqsiin-waayeen waxaas oo gardaro ah iney ka tanaasulaan, waxaase halkaas ruushka uga cadaatay: in Qaniyo Qaniinyo ayaa kaa fujisa

Ddabcan, ciidamada Siiriya oo mudadi Shanta sano iyo bar dagaalka kula jiray Quwadaha Aduunka, waxay muujiyeen karti iyo adkeysi badan, hadana waxaa la ogyahay hadeysan garab ka helin iiraan, Xisbu-laah iyo Ruushka uma suuragasheen iney dagaalkaas mudada dheer socday u babac-dhigaan. taaso keentay ugu dambeynti in dhulkii inta badan ay horay u qabsadeen xulafadi mareykanka laga xoreeyo, halkaaso guushi iyo macaashkii ay u raajaxanto dhinaca xulufada Bishaar Asad. 

Dhinaca kale markii u fashalmay inqilaabkii lala damacsanaa Erdogaan, waxaa dab kala dhex dhigmay reer galbeed iyo Erdogaan oo ciilkii u biirsaday awgii saaxiibnimo kula kufay Ruush iyo iiraan oo heshiisyo dhawra la galay, taaso keentay in gabi ahaanba muuqaalkii iyo xaaladi bariga dhexe wax-kasta iska badalaan, gaar ahaan kadib markii si heshiis ah ciidamada Turkiga soo galeen gudaha Siiriya iyagoo xaaqaya mucaaradka Bishaar Al-Asad

Haatan iyo waqti xaadirka waxaa muuqata in markaan madaxda Mareykanka talo ku cadaatay oo ay dareentay in Riwaayadi iyo tijaabadisi siyaasadeed ee bariga dhex wiish la booday, oo ay ku guuldareysteen, balse dhabo qald ah u daran ay ku dhaceen, waxaa muuqatay iney ku kufeen kibirkii iyo dhalanteedkii u baaqay, oo markaan ay rabaan waxaan u qalmin iyo tanaasul iney ku biy-batalaq-sadaan.

Mareykan oo lagu yaqaan marku wax kaa rabo awrkiisa kugu kacsado, iyo ujeedada isku kaa xoqaya markay arkeen waaqica iyo xaqiiqada jirtaa waxay go'aansadeen iney arinta Suuriya halki ay hore ay taagneyd iyo fikirkeedi hore ka soo tanaasusho, sidaa daraadeed waxay si haleel ah isugu xoqeen Ruushkii oo ku yiraahdeen " war heshiis aan galno oo wax un sharaf aan ku tagno na raaci"

Ma daama Mareykanka ay rabaan in luqunta uga asmatay bariga dhexe uga baxaan saaxada Suuriya, waxaa hadda socda heshis u dhex marayo Ruush iyo Mareykan, heshiiskaaso horay mareykanka looga caal-waayey inu aqbalo, laakin  maanta marku arkay xaqiiqada dhulka jirta iyo isago albaabadi ka soo xirmeen, waxaa u ogolaaday in wixii dhinaca Ruushka u yeeriiyo u iska ogolaado, waayo ma haysto warqad u ku gorgortamo oo awlba laacib culus waxuu ku ahaa xaga Turkiga, has ahaate waxuu markaan isago taamaya ku baryootamaya in wax un heshiis ah ruushku ku sharfo si shacabka mareykanka loo qanciyo, siiba in markii mustaqbalka doorasho xora ah ka dhcdo Siiriya ay ciidamada Ruusha intooda badan ka baxaan dhulka siiriya, taaso sida la saadaalinaayo aysan qarni ka qarni dhaceyn.
              By Editor-ka Shabakadaan Galdogob Times