Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xaajiyo Arraweelo: Mantana Far Baan Mayraya Ee Ha ii Fadhiyo Geelu .. Shirka Villa Somaliya Oo Weli ilkaha Baa La Isu Cadeynaya Iyadoo La Isula Yimid Xarig Ay Qoloba Gees Ka Soo Gunaday

Thursday - September 8, 2016



Mogdisho-  Madaxda maamulada gobolada iyo madaxda fedaraalka ayaa weli shirkoodi uga socda Villa Wardhigley, sida warku nagu soo gaarayana illa hadda ma jiraan waxa qodoba ah oo la isla meel dhigay oo mid walba ajeendo iyo qodobo isku qufulan lig-liga haysta.waxaa lagu murmaya oo la isula yimi xarig ay qolo-ba gees ka gunaday, oo sidi Maska meel madow la rabo in laysugu dhiibo

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo intaa wax uur baaraya, ayaa dadaal ugu jira sidu u dhismi-lahaa maamulka Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, taasna waxay keentay dooda ugu badan ilaa hadda ee madasha ka socota .. Sida warka nagu soo dhacay u sheegaayo. Xasan Shiikh waxuu raba in odayaal doolar loo lulay ee reer hiiraan iyo shabeelada dhexe ah ay wax ku xulaan Mogdisho, hasa ahaate warkaas jiritaankiisa weli lama xaqiijin

Maamulada Galmudug, kuwa sheegta Somaliland iney matalayaan, Koonfur Galbeed & Madaxda dawladda fedaraalka qaarkood waxay hadda ka soo horjeesteen arrimaha Aqalka sare, iyado xitaa madaxweyne Axmad Madoobe u isagu laftiisa qodobkaas aqalka sare ka caga jiidaayo, laakiin dhinaca madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa arinta Aqlka Sare weli Lig-liga haysta oo kana fuqi la'. taasoo keentay in muran badan  ka jiro oo xalna laga gaarin, laakiin ma daama Cabdi-weli dhinacyada laga soo ooday, waxaa dhici-karta in aqalka sare si ku meel gaara dib loo dhigi-doono oo doorashada madaxweynaha kadib la soo xuli-doono, iyadoo inta badan ergeda shirka ku sugan uma arkaan aqalka sare wax micno ah inu leeyahay ma daama usan lahayn awood sharci heer qaran iyo mid hoosaad u ku shaqeeyaba

Odayaal cusub ayay qolo kasta doonaysaa in loogu daro Liiska 135-ta Oday, waxaana jira in dawlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Madaxda dawladda Faderaalku ay wataan Odayaal cusub. laakiin waxaa la sheegay in Odayaasha qaarkood runtooda la soo bandhigay la isla qaatay

Waxaa kalo ajeendada ka mida arrinta cida sugeysa amaanka doorashada iyo sida loo hirgalinayo ama loo qeybsanayo ciidamada sugaya ayaa ka mid ah arrimaha xiisaha leh ilaa hadda laysku hayo, waxaana tan iyo berri galab la filayaa in lasoo afjaro madasha kulankeeda.