Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheeko Xariir .. Dawacooy Afku Dufanleey

Tuesday - September 20, 2016



Reer-miyiga Soomaalidu waxay leeyihiin sheekooyin falsafadeysan oo intooda badan ka hadla bay’addooda ayna jilayaal uga dhigaan xayawaanada dhulka kula nool ee uu dugaaggu ka midka yahay.
Sheekooyinkaas waxay u qaybsamaan dhawr nooc waxaase ugu muhiimsan noocyada maadda ama qosolka xambaarsan iyo noocyada cabsida xambaarsan iyo kuwa ay labadaas noocba ku kulansan yihiin. waxaa kaloo lagu sii kala bari jiray caruurta dhaqanka iyo dabeecadaha dugaagga iyo siday u kala khatarsan yihiin ama u kala awood weyn yihiin. Haddaba sheekooyinka dugaagga ku saabsanaa waxaa ka mid ahaa middaan soo socota.

Maalin maalmaha ka mid ahayd
ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu libaaxa Aarka ah uu boqor u ahaa, waxayna ugaarsadeen oo disheen neef Geel ah. Libaaxi baa waraabihi ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yiri ciidanku waa badan yahay neefka barkiis ha qaateen, adiga aw-libaax ahna barka kaloo dhan wada qaado.
Libaaxii oo asagu isla rabay inuu neefka dhan wada qaato oo markii uu iskiis uga dhargo ay hambada luflufka af habar-dugaagoo dhan wadaagaan ayaa xanaaqay oo bahal dhurbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray, ka dibna dawaco ayuu ku amray inay neefki hilibkiisi qaybiso.
Dawaco-ina Cali, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tiri ( boqorow ku wada siiyaye – neefka wada qaado).
Libaaxi oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadi ku yiri (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tiri (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay).

Maalinkii danbe ayaa ayadoo libaaxi goobti ka maqan yahay oo uu aw-Waraabe meesha u sarreeyo neef kale la dishay.
Waraabihi oo jawaabti ay dawacadu libaaxi siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo, ayadoo gaajeysan ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato.
Kolkii neefki cuniddiisi la billaabay ayuu cad baruur ah soo jaray oo dawacadi afka u marmariyey.
Kolkii uu dugaag hor leh oo cunidda neefka ka qayb-galaya yimaado, su’aalona sababta ayna Dawaco sabta uga qayb-galeynin ayuu aw-Waraabe ku jawaabayey way dharagsan tahay oo horay u qadeysay oo wataa afka dufanka ku leh, dugaaggii yimidna uu ku jawaaba (dawacooy af-ku-dufanley, dheregtay oo noolaataye meeshaada iska fadhi).