Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 July 2017

WiKiLeaKs Galdogob Times Afduubkii Dayuuradi Lufthansa Ee Mogdisho Malaayiinti Doolar Ee Siyaad Bare Sanka Loo Saaray Iyo Wuxuu Ka Yiri

Thursday - September 22, 2016



Akhristow, Anigo waqtiga ku dhawraya waxaan isku dayey inaan hadal-badan ka saaro oo aan nuxurka un kuu soo gudbiyo .. Waxay ahayd biishi 13 Oktobar 1977, waqtigaas ciidamada Somaalida ayey dagaal kula jireen ciidamadi itoobiya, dagaalkaaso wajigiisi hore guul lama filaana soo hoysey, waxay ciidamadi Somaalida qabsadeen Dhul baaxadiisu qiyaasti 400,000 sq km iyo illa 15000 oo askar iyo saraakiil ah laga qabtay.
Dagaalkii Somaalidu waxay ku weydey saaxiib-koodi Ruush ee ciidanka u dhisay, waxuuna ka soo jeestay dhinaca kale ee itoobiya iyagoo ku khasbay madaxda Somaliya iney ciidankooda ku celiyaan xuduudi hore ee muctarifka ahaa.
Somalia dagaalkii waa ku dheeraaday kaalmadi milatarigana waa joogsatay, reer galbeedkana af ahaan ayey ku taageereen Somaliya iyadoo saas ay xaaladu tahay. ayaa Goor qiyaasti 10 subax-nimo waxaa gegeda diyaaradda Mogdisho si lama filaan ah ku soo caga dhigtay diyaarad jarmalka laga leeyahay oo afduuban, diyaaradaaso markii dambe hawlgalkii lagu sameeyey la ogaaday iney soo afduubeen afar ka mida jabhadi la oran jiray "Popular front for the liberation of Palestine" kooxdaaso magac ahaan markaas isku magacaabaayey " Commando marrtyr halima"

Ujeedada kooxdaas wax afduubtay oo xiriir la lahayd kooxdi jarmalka ee la oran jiray Red Army, waxay ahayd in loo soo daayo hogaamiyaashi Red Army oo maxbuus ku ahaa jeelasha Jarmalka.

Dawlada Jarmalka oo waqtigaas madax u ahaa Chancellor Helmut Schmidt, waxuu Mogdisho u soo diray ergay laacib ku ah wada hadalada culus, oo ahaa minister of state at the federal chancellery mr. Wischnewski iyo taliyihi ciidamada la dagaalanka argagixisada (gsg9) oo isagana la oranaayey Ulrich Wegener, isla markiina marku gegeda dayaarada Mogdisho ka soo dageena, waxaa horay si toosa loogu gudbiyey xerada afisyoone oo markaas ahayd xaruunti madaxtooyada.

Wasiirkii Jarmalka oo hinjinaayey boorso culus marku soo galay madaxtooyada oo la fariisiyey salootada martida, isla markaana Maxamed siyaadna ku jiro xafiiskiisa, ayaa wasiirkii boorsadi u watay damcay inu u dhiibo sarkaalkii gaarka u ahaa madaxweynaha oo isago il jabinaaya ku yiri waa hadiyad u leeyahay madaxweynaha ee hadhow siih. hasa ahaate sarkaalku kama qaban hadiyadi.

Sarkaalkii si raboorto u bixiyo, wuxuu u galay madaxweynaha oo ku yiri: wasiirkii jarmalka salootada ayuu fadhiya wuxuuna damcay inu ii dhiibo boorso weyn oo u yiri waa hadiyad .. madaxweynaha oo warkaa ka damqaday ayuu sarkaalkii u afceliyey kuna yiri: Saan-cade reer yurub faham qalad ayey dhaansan-yihiin, oo waxay na moodayaan sida madaxda afrikaanka qaarkood markii doolarka noo lulaan in caqliga naga haadayo.

Wasiirkii oo murug badani ka muuqato ayaa hadal la galay madaxweynaha, wuxuu aad uga calaacalay afduubka diyaarada oo khasaaro iyo dhibaato u keeneysa dawlada Jarmalka, wuxuu isagoo hadalkiisi ku xiiqay yiri; mr. madaxweyne haddi aan la samata-bixin diyaarada iyo rakaab-keedaba dawladayada afka ayey u dhaceysa ee mudane madaxweyne na badbaadi oo noo ogolow inaan ciidamo u tababaran la dagaalanka argagixisada dalka soo galino. isagoo isla markaa ku nuux-nuuxsaday in dawlada Jarmalka ay ummadda Somali diyaar ula tahay in waxkasta ay u qabato, oo yiri xitaa hadaad hub rabtaan lacag baan idin siineynaa ee idinku ku gata.

Siyaad Bare oo ugu dambeyn si miyir qabow Jawaab siinaayey wasiirkii, wuxuu si qabuul iyo dabac leh ku yiri, ha murugoon diyaaradaan waan kaa ogolaaday in hawlgal ciidamadiina lagu badbaadiyo, has ahaate marka hore bal waxaan isku deyeynaa inaan la hadalno raga wax afduubay, oo bal aan aragno jawaabtooda. kadib wasiirkii ayaa isago aayar u hinqanaya laacay borsadi u watay oo waxuu u muuqday sidi nin boorsadda dhiibaya, hasa ahaate Maxamed Siyaad intu gacantiisa duubtay ayu markiiba yiri: wasiir stop oo xishood waaba laga tagay miya, oo warkiisi si raacshay: gacanta aad la laaceyso boorsada iyo ujeedadaada yeysan na kala geynin, oo aniga ma ahi kuwa aad ii mooday ee jeebka lacagta ku shubta, sorry hadiyaad ma qaato .. wasiirka oo intaa yes-ta guraayey arinkaa dood kama celin, aan ka ahayn yaabis iyo indhihi oo casaaday. dabadeed wasiirkii in kasto arintu u socday libin iyo shucuur rey-reyn ka helay, hasa ahaate waxuu ka yax-yax hawl-fududeynti lagu diiday oo ceebtaa awgeed si khajal ah ayuu uga si baxayey madaxtooyada una muuqday nin saanti roogi-waayey.

Halkaaso madaxweynuhu dabadeed guddi uu u saaray la xaajoodka ragi diyaarada u afduubnayd, nasiib darose wey macangageen oo diideen iney sheegaan ciida ay yihiin, taaso keentay in markii dambe Maxamed Siyaad jarmalkii amar ku siiyi iney diyaaradooda badbaadsadan , waxaana lagu xoojiyey ciidan Soomaali oo garab socday komandooski jarmalka. halkaaso iyagoo si xeelad leh wax u tabeynaaya ay hawlgalkii weerarka ku badbaadiyeen dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa, kuwi wax afduubana la wada laayey aan ka ahayn gabar dhaawac lagu qabtay oo isla markiiba loo gudbiyey isbitaalka Madiina, halkaaso inti bil ah daaweynteeda lagu dhayaayey, kadibna inta maxkamad la saaray ayaa ugu dambeystay qolo ka socotay madaxdi falastiin u kaxeysatay xagaa iyo Cadan.

Waxaa soo hadal qaad mudan in arintaa diyaarada darteed dawladi jarmalka intey niyad u ladeen hurdada ayey no qaadeen maxabo iyo jaceyl, isla markaana no ogolaatay iney wax-kasta oo horumar ah naga haqab-tiraan, laakiin run ahaanti wax laga faaiideystay ma jirin, balse waxa kaliya oo intaa safaarada Jarmalka maalin joog ugu soo dhacayey kumanyaal dalab dal ku gal Viso, taaso safaarada ka yaabin jirtay sababtuna waxay ahayd maamulka ayaa waqtigaas ahaa mid xidigiisu si dhacayay oo waxa jiray isku dayo inqilaabyo fashalmay, iyo xaga maamulka oo u ka jiray isku qas joogta ah, iyo hadba bal kan ka qaad, kaa gee bal in u wax soo kordhiyo, oo midba midka ka sii liita la abbaansaday, illa wasaarad iyo hay'ad kasta ay mayalka u qabteen casaabad xukumad anay micneheeda dooc iyo dareen midna aanay lahayn ee ay isku dhex yaaceen, oo markaa intey shacabkii sii cawareen ayey haddana xafiis kasta ka dhigeen sidi fakiinka oo kale.


 





hits Hits : 2649