Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madxweyne Riyaale Oo Aqbalay In Xayiraada Laga Qaado Ariga Ku Xaniban Barbara Laakiin Bishardi In...

Monday - August 4, 2008

Hargeysa: Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku qaatay qasriga madaxtooyada.

Kulankaas oo ahaa mid aan hore loo shaacinin ayaa la filayaa inay arrimaha lagu soo qaaday ka mid ahaayeen xiisadda ganacsiga xoolaha oo ah mowduuca ugu ballaadhan ee dalka ka jiray usbuucyadan iyo dooddii Golaha Wakiilada ee todobaadkii hore oo ahayd mid aad u kulul.

Xildhibaanada ka qayb galayna intooda badani ay soo jeediyeen inuu golahaasi qaraar ka soo saaro xiisaddaas kuna hor joogsado heshiiska Al-jaabiri iyo xukuumadda u dhexeeya haddii uu madaxweynuhu diidana lagu qaado maamuus ka xayuubin.