Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Wadankii Bixiyey Lacgtii Dawlada Somaliya Kaga Baxday Dacwadi Muranka Bada Oo La Shaaciyey

Monday - September 26, 2016



Abu-Dhabi- Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaciyey dawladdi gacanta ka siisay bixinta kharashadkii farah badnaa ee ku baxay Qareenadi dawlada Fedaraalka somaliya u qabsatay difaacida Bada Somaliya ee muranku kala dhaxeeyey dalka Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibada  ee uu masuulka ka yahay ay gacan ka geysatay keenista lacagti ku baxday Qareenadi Dawlada somaliya u qabsatay difaaca kiiska dacwada Bada Somaliya ee dhawaan ka dhacay Maxkamada ICJ.

Cabdisalaam Hadliye, ayaa afka ku dhuftay oo cadeeyey in dawlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay bixisay lacagti ku baxday Qareenadi somaliya ku difaacayey kiiska Bada Somaliya, waxaana u xusay in kiiskaasi ay ku bacday lacag aad u badan, balse aanu sheegin cadadka ay tahay, laakiin ilo kale oo wargeyskan Galdogob Times xigatay ayaa lagu sheegay in lacgta ku baxday Qareenadaas ay gaareysay illa Shan Malyan iyo Bar oo doolar.