Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Odayaal Ka Kala Socda Puntland Iyo Galmudug Oo Qodobo Maslaxaad Ah Ka Soo Saaray Xiisada Halkaa Ka Jirta

Sunday - October 9, 2016



Gaalkacyo - Warar iska soo daba dhacaya oo naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in waxgaradka labada dhinac ee magaalada ay ku kulmeen goob dhinacyada u dhaxeysa, iyagoo ka wada hadlay Raga harjadaya ee ibleysku turubka u qaaday colaada baafinaaya ee buntukha iyo boobaha xeer ka dhigtay iyo sida ugu wanaagsan ee looga gudbi-karo dagaal ka dhaca magaalada.

Waxgaradka labada dhinac oo si qoto dheer uga dooday talo xumida kuwa markasta wax falaaya welina u taagan oo naftooda u tureyn loona taag heleyn in ugu yaraan haddi wax lagu xaliyo la waayo bal in qardhaasyo lagu taxo culimana loo tuunsho, ugu dambeyn waxay isku raaceen in la joojiyo qod-qodka keeni-kara dirirta colaadeed, isla markaasna hadal tiro baruuruf iyo toroorog aan lagu karama seegin, balse si dhab ah xaqiiqada looga wada hadalo, hadana la kala qaado ciidamada hubeysan ee waqtigaan so buux dhaafiyey aagaga magaalada Gaalkacyo.

Mid kamid ah Odayaasha oo la wareystay ayaa sheegay in heshiiskaas ay wada gaareen labada dhinac, isala markaasna ay goor dhaw bilaabi-doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen go’aamadan ay qaateen.

Horay xariir dhanka Telfoonka ah ayaa la sheegaayey iney is dhaafsanayeen madaxda labada dhinac, oo la isku afgartay in bal odayaasha marka hore ay dhinacooda kaalin ka qaatan, iyadoo maamuladana ay gacan ka siin-doonaan