Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Gaalkacyo

Wednesday - October 12, 2016



Nairobi-War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Galmudug iyo Puntland si looga hadlo walaacii la xiriiray dhacdadii 28 September ee weerarkii is-difaacidda ahaa ee Mareykanku ka geysteen Galkacyo.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Mareykanku ay ka war hayaan wararka dhimashada iyo dhaawaca Galkacyo iyagoo eedeymahaasi si xooggan ula socda.

Wasaaradda difaaca waxay bilowday inay qiimeyso cadeymaha rasmiga ah.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo kulamo kula yeeshay, bishan October 6,7, iyo 8 Muqdisho, odoyaasha qabiilka, hoggaanka sare ee bulshada iyo siyaasadda Koonfurta Galkacyo, iyo madaxweynaha Galmudug ee Guled.

Waxaa sidoo kale wada hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Gaas iyo ciidanka qaranka Soomaaliya.

Wada hadaladaasi danjiraha Mareykanku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Mareykanku doonayo inuu horumariyo xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ammaanka Galmudug iyo kuwa qaranka Soomaaliya si loola dagaallamo al-Shabaab.

Dowladda Mareykanku waxay ku boorisay maamulada Galmudug iyo Puntland "inay wada hadal dhab ah galaan oo lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira si loo gaaro xaalad nabadeed iyo dib u heshiisiin balaaran".

Mareykanka waxaa ka go’an "inay la shaqeeyaan dhammaan Soomaalida si Soomaaliya ay u gaarto nabad, barwaaqo iyo ammaan" ayuu intaas ku daray warka ay soo saartay safaarada Maraykanka. \