Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Ahlu Suna Waljameeca Oo Ku Dhawaaqday Iney La Wareegtay Inta Badan Galmudug Iyo Beesha Tanade Darood Oo Hawlgal U Diyaariyey Maleeshiyo Fara-weyn

Wednesday - October 12, 2016



Dhusamareeb - War deg deg ah oo naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in maleeshiyaad qabaaiil kala duwan is bahaystay oo u badan beesha Cayr iyo Salemaan ay maanta duulaan ku soo qaadeen dhinaca Degmada Caddaado Ujeedaddu iney si inqilaab ah ula wareegaan maamulkaa u horjoogaha u yahay Cabdikarin xasan Guuleed.

Warka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaa-dkaas is bahaystay ay si kadis ah ku qabsadeen degaanka Godin-labe oo Cadaado u jirta masaafo 10 Km, waxayna saacadaha soo socda ku wajahan-yihiin Magaalada Cadaado oo sida la sheegay doonaya iney qabsadaan.

Afhayeenka Ahlusuna Waljameea, oo la hadlayay BBC-da ayaa ku sifeeyey duulaankaas, mid markiisi hore ay soo qaadeen kooxda Al- Shabaab iyo Galmudug si wadajir ah isku watay, wuxuuna sheegay in ay ka saareen magaalada, oo ay uga daba tageen illa godinlabe iyo meelaha ay ku sugan yihiin hadda.

Sida muuqata Galmudug Iyo Isbaheysigeeda Al- Shabaabka ayaa hadda mugdi sii galaya, maadaama sadex dagaal uu ku furan yahay maanta oo ay dhamaantood iyagu fureen, mid ay ka bilaabeen Gaalkacyo, kan Balicad oo ku dhaw Galinsoor iyo kan deegaanka Godinlabe.

Dhinaca kale war aan ka helnay Galkacyo iyo Goldogob ayaa sheegaya in dareenka beesha Tanade ay ka siman-tahay dagaalka ka oogan gaalkacyo, iyadoo si tashi ah beesha Tanade darood ay isku raaceen in nabadu ay guud ahaan mandiqada iyo gaar ahaanba Reerka dan u tahay oo ay tahay wax aan la isku diideyn, isla markaana go'aan qaadasho ka sameeyeen xaaladdaas qushaashka ee oogan oo is-maroojin mooye ka tagtay nabad iyo talo macaan, taaso beeshu ku khasban-tahay dalkeeda iyo dadkeeda ineysan ka war-wareegin difaaceeda oo halkaas badrada iyo gardarada duulaanka islaameed iyo damaca aysan tolka ka noqon markhaati iyo naanaa oo kaliya, balse arintu waxay joogta qaniyo qaniiyo ka fujisa, taa darteed si ficil ah looga hortago falsafada iyo fal-falxumida dhoobada laysku marinaayo ee lagu doonaayo in Surwaalka iyo Nigiska ummadda laga siibto oo dabadeed ninba isagoo qaawan aag ku go'doomo, waxaana warku intaa ku daraya in beesha ay durbaba si wada jira iska dhex abaabuleen cudud Rag iyo dhallinyaro u daraban hawlgalkaas, oo qaarkood ay si xoogan labo jiho aag ugu soo biireen, halka qaar kale keyd ahaan u joogaan goobo kale oo qarsoodi ah.