Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xeer ILaaliyaha Guud Ee Dawladda KMG Oo Fasiray Awooda Sharciga Ay Kala Leeyihiin Madaxda Dawladda

Thursday - August 7, 2008

Baydhabo: Xeer Ilaaliyaha guud Dowlada KMG Soomaaliya C/llaahi Daahir Barre oo xalay u waramayay Barnaamijka Qubahanaha wararka Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in uu soo saaray qoraal uu ku sheegayo iney talaabooyin qaldan oo sharci daro yihiin xilka qaadistii uu dhowaan ku sameeyey Ra’isul wasaare  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Duqii magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed  Dheere) iyo magacaabistii xubnaha cusub ee golaha wasiirada, kuwaasoo lagu bedelay qaar ka mid ah xubnihii dhowaan shaaciyay in ay  iska casileen xilalkooda.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in Nuur Cadde  iyo xubnaha golaha wasiirada ay leeyihiin oo kaliya soo jeedin, hase ahaatee madaxweynaha uu yahay kan ugu dambeeya ee go’aankaasi aqbalaya ama diidaya, waxaana taas cadeynaya ayuu yiri qodobo ka mid ah axdiga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in wasaraada arimaha gudaha ay u xilsaaran tahay oo kaliya maareynta iyo la socodka howlaha mas’uuliyiinta gobolada iyo degmooyinka dalka hase ahaatee madaxweynuhu uu yahay kan magacaabaya guddoomiyeyaasha gobolada inta laga diyaarinayo doorashooyinka maamulada.