Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warkii ugu dambeeyey Iyo Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Gaalkacyo

Saturday - October 22, 2016



Gaalkacyo- Dagaal colaad cusub lagu hurinaayo ayaa galabtay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, gaar ahaana Koonfurta Galbeed ee magaalada, kuwaas oo ay soo qaadeen is-bahaysiga Maleeshiyaadka Galmudug, waxaana ciidamada Difaaca ee Puntland ay ka guuleysteen dagaalo lagu soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay Maleeshiyaadka galmudug weerar ku soo qaadeen sadex madax oo ay doonayeen in ay ku qabsadaan goobo muhiim ah, balse Saraakiisha ciidamada ayaa iska difaacay weerarkaas.

Sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada ayaa sheegay in ka durkiyeen goobihii ay joogeen Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, kuwaas oo uu sheegay in ay ilaa xalay gurmad laga keenayay Koonfurta fog ee Soomaaliya.

Xog cusub oo la helay ayaa sheegaysa in maleeshiyadka weeraradan soo qaaday galabtay ay ka soo jeedaan Gobalka Galguduud, oo maalmihii ugu dambeeyey laga soo aruurinayey degaanada ay beelahaa degaan

Sida afka loo badinaayey dhaawacyo ayaa la gaarsiiyey deegaanka Bandiiradley oo 60KM u jirta magaalada Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyey gubashada 3 ka mid ah baabuurta dagaalka ee ay adeegsanayeen dhinaca Huwanta, sidaas oo kale waxaa la xaqiijiyey in laga qabsaday Saanad Milateri oo xoog leh.

Dagaalka ayaa u istaagtay qoraxda oo dhacday awgeed, waxaana hada oo habeen ah la maqlayaa hugunka madaafiicda iyo hubka gaadiidka saaran, waxaana dadweynaha Gaalkacyo ay maqlayeen hubka culus oo kaliya.