Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Inaa Lilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun: Nabadoon Cismaan Maxamud Caato Oo Xalay Ku Geeriyooday Magalada Kismaayo

Saturday - October 22, 2016




Kismayo- Geeridu waa xaq Alle, Waana dhabo la wada maraayo .. Waxaa xalay magaalda Kismaayo Allaha ha u Naxariiste ku geeriyooday nabadoon la jeclaa Cismaan Maxamuud Caato oo ka mid ahaa horjogayaasha nabadoonada beesha Tanade Darood ee Jubaland .. Cismaan Caato oo maalmahaanba xanuun ku soo booda ah la daala-dhacayey, waxaa marxuumka markii dambe loola cararay cisbitaal ku yaal magalada Nairobo, halkaaso isla markiiba dib loogu soo celiyey kismaayo, kadib waa markii takhaatiirta ay xaaladisa caafimaad ka deyriyeen.

Marxuumka,waxaa tacsi u diray suldaanka Jubaland Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Cilmi oo hawada u marinaaya Qoyskii, qaraabadi iyo eheladi u ka baxay marxuumkaas, isagoo Allaha weyn uga baryey inu Naxariistiisa jano fardowsa ka waraabiyo, wuxuuna suladaanka sheegay in marxuumkaas wax badan xasuustiisa ay bulshada reer kismaayo ku dambeyn-doonto, isla marka u qiray inu ahaa shakhsi dun wanaag leh, halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo lagu tilmaamay, oo wuxuu doonaayo inu qabto si daacadnimo iyo xilkasnimo badan leh u qaban-jiray .. waxaa kalo isna tacsi taa la mida diraya anigo ah tafaftiraha shabakadaan Galdogob Times Maxamed Calixaashi Cadawe oo marxuum Cismaan Caato rafiiq waayo-waayo muddo ku ahayn degaankaas, waxaana hawada u marinayaa duco ah inu meel-san alle uga dooro jano fardowsa.