Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Puntland Oo Gaasas Duulaya Iyo Guutooyin Xog Leh Halka Ay Ku Dagaan Aan Dogob Ka Soo Baxeyn Oo Soo Galay Aaga Frontada Iyo Hirta Waaberigi Oo La Is Haleelay Ciidamada Hanuushta Ee Galmudug

Monday - October 24, 2016



Gaalkacyo - Saaka oo Isniina ah hirta waabari waxaa lagu soo waramaya in Koonfurta Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan duleedka ku toosan dhinaca u dhismaha ka socdo Maxjarka uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Gal-mudug, waxaana la is la dhacay hub waaweyn oo labada dhinac is weydaarsanayaan iyado hugunka rasasaata laga maqlayo magaalada iyo daafaheeda.

Wararka goobaha dagaalka laga helaayo ayaa sheegaya in isku dhaca uu xoogaystay, oo ciidamada labada dhinacna adeegsanayaan hub iyo baaruud aan la isaga beer naxeyn oo ka soo dhacaya madaafic dab hunqaaceysa iyo boobe ololaaya

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayuu dagaal khasaare gaystay labada dhinac halkaas ku dhexmaray, waxayna kala sheegteen guulo inkasto dhinaca galmudug loo badinaayo in khasaaro badan soo gaartay .. dad badan ayaa isaga barakacay magaalada kuwaas daryeel nolol la’aan ku haysato hareeraha magaalada.

Dagaalka saaka billowday ayaa kusoo aaday xilli uu shalay warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada Kumaandooska Puntland Kornayl Jimcaale Jaamac in ciidamada hanuushta hanaashta Gal-mudug u socon-weyday ku tala galkii ay is-lahaayeen cirbaha jara puntland, balse iyagii baa iil ka yar isu qoday, waxaana taliyuhu intaa ku daray inusan marna gafka iyo xumaanta gacanta ka laaban-doonin, waana ka saarnay ayuu yiri goobtii lagu dagaalamay guulna ka gaarnay