Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kalafadhigi Baarlamaanka Puntland Oo Ahayd In Maanta La Furo Oo illa Sadex Maalin Dib U Dhacay

Tuesday - October 25, 2016



Maanta oo ku beegneyd 25 oktoobar ayey ahayd in la furo Kalfadhigii barlamaanka Puntland, oo qorshu ahaa in uu furmo sida uu qabo dastuurka Puntland ayaa la tabiyey inu baaqday.

Xildhibaano barlamaaanka ka tirsan ayaa sheegay in kulanka barlamaanka sharciyan ay tahay in madaxwaynuhu furo isla markaana madaxwayne Gaas oo shalay Bosaaso soo gaaray uu xalay codsaday in ku xigeenkiisu golluhu furo, laakiin ay ka biyo diideen xubno ka tirsan barlamaanka madaama madaxwaynaha oo dalka ku sugan aysan sharci ahayn in ku xigeenkiisu furo fadhiga barlamaanka.

Arintaan ayaana xubnaha barlamaanka tan iyo xalay xiisad ka dhex abuurtay, taaso keentay in intii maalmo ah fadhiga dib loo dhigo .. baarlamaanka waxaa hor yaal dhawr ajeendo oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay ka go'aan qaadashada dagaalada gardaro ee ka oogan mudug iyo sido kale ajeendo la xariirta soo jeedinti iyo codsigi oday dhaqmeedyada beesha Tanade ee ahayd in dib u eegis lagu sameeyo cadaalad darada ka jirta qoondada beesha xaga xubnaha baarlamaanka, taaso si wada jira ay u gareysteen una aqbaleen Madaxweyne Gaas Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.