Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Loolankii Hubka Oo Xargaha Goostay..Ruush Oo Caalamka U Soo Bandhigay Gantaalo Dhaadheer Balaayo Iyo Waabaayo Wata Oo Hal Mar Burburin-kara Cariga Farance Iyo UK Iyo Galbeedkii Oo Jiif Qaban-waayey

Thursday - October 27, 2016



Siyaasada reer galbeedka ee siigada ka kicisay bariga dhexe gaar ahaan Siiriya ayaa taa awgeed ciidamada Ruushka heeganka galay ay markii ugu horeeysay caalamka u soo bandhigay Nooc cusub oo ah sawaariikh dhaadheer xambaari-kara hubka khatarta Nuclearka ah, kaasoo halmar awood u leh inu burburin-karo Baaxda dhul oo le’eg ama u dhiganta baaxada ay ku fadhiyaan dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.

Gantaalkan cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa RS-28, Satan2 (Sheydaan 2), waxaana uu toban jibaar u dhigma kii uu Maraykanku ku riday magaalooyinka Heroshima iyo Nagazaki. waxaana hubkaas in badan maalmahaan ka walwalay isbahaysiga NATO .