Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Madaxdi Maamulada Gobolada Somaliya Iyo Shiyuukhdi United Arab "Abudabi" Oo Shirkoodi Soo Gabagabeeyey

Tuesday - November 1, 2016



Wararka ka soo baxaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in uu soo gabo gaboobay kulamo si hoose dalkaasi ugu yeesheen Madax katirsan Dowlada Imaaradaka Carabta iyo Madaxda Maamul goboleedayda dalka Soomaaliya ka jira.
Kulamada ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta oo ahaa kuwa albaabada ay u xirnaayeen ayaa la sheegay in xoogooda looga hadlayay arimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya iyo Qorshe ay wadato Dowlada Imaaraatka Carabta.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in Hogaamiyaashan Soomaalida ah ee kulanka la qaadateen ka dalbatay in la taageero lana doorto labo Musharax ay wadato Imaaraadka lana dooneyso in midkood ku guuleesto Doorashada Soomaaliya. laakiin weli sida la isla dhex maraayo magacyadooda si rasmi lagama hayo afka madaxda gobolada oo waxaa la yiri ha sheeginina

Kulamada qarsoodiga ah ee Dowlada Imaaaraadka Carabta la qaadatay Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa looga hadlay sidii looga miro dhalin lahaa damaca Imaaraadka ee ku aadan in shaqsi ay wataan dalka uu Madaxweyne ka noqdo.
Inta badan Hogaamiyaasha ka qeyb galay Shirka ayaa soo dhaweeyay dalabka Dowlada Imaaraadka Carabta soo hor dhigtay, halka kuwa kalana ay sheegeen in ay kasoo fekerayaan ,waxaana Hogaamiyaashan dhankooda loo sameeyay balan qaadyo hoose hadii miro dhal noqdo qorsha Imaaraadka Carabta wato.
Madaxda maamul goboleedayada dalka ka jira ee shirka ka qeyb galay ayaan wali ka hadlin kulamada hoose ee ka dhacay dalka Imaaraadka, waxaana lagu wadaa in beri ama maanta in qaarkood ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa horey taageero ku siinayay Madaxweyne Xasan Sheekh sidii uu mar kale dalka Madaxweyne uga noqon lahaa , balse waxaa hada soo baxaya tuhuno la xariira in labo musharax kale ay watan Imaaraadka midkoodna la rabaan in talada dalka uu qabto.

Dowladaha Reer Galbeed iyo kuwa Carabta qaarkood ayaa saameyn badan oo toos ah ku leh siyaasada Soomaaliya, waxa ayna Dowladahan doonayaan in talada dalka ku guuleestaan musharixiin Madaxweyne ay kala wataan.