Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Taajir Bill Getes Oo Sheegay In U Qayb Aad U Yar Oo Maalkiisa Ah Uga Tagi-doono Caruurtiisa Inta Kalana Samafal Ku Bixin-doono

Wednesday - November 2, 2016



Ninka lagu magacaabo Bill Gates oo ah mulkiilaha shirkadda samaysa softweerka kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan ee Microsoft ayaa dhawaan sheegay war ay aad ula yaabaan dhamaan shacbi-weynaha dunidan ku nooli kaasi oo ahaa in aanu inta badan maalkiisa uga tagi doonin caruurtiisa marka uu geeriyoodo.
Ninkan da’diisu tahay 69 jirka ayaa waraysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Maraykanka waxa uu sheegay in lacagta badan ee uu haystaa aanay badali doonin Qaab nololeedka mustaqbal ee caruurtiisa, ninkan oo la sheego inu yahay ninka aduunka ugu taajirsan lacagtiisana lagu qaiyaasay 74 Billion oo Gini ayaa waxa uu dhawaan ku wareejiyay qaybta samafalka ee shirkadiisa lacag gaaraysa 30 Bilion oo Gini taasi oo uu ugu talo galay in ay ku caawiso dadka baahiyaha nololeed qaba ee ku nool dalka Maraykanka iyo dunidaba .. Sidoo kale wuxuu sheegay in inta ka dhiman intan uu ku deeqay uu iyadana u bixin-doono sidan oo kale inta aanu geeriyoon.
Bill Gates oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in uu qayb aad u yar oo maalkiisa ah uu uga tagi doono caruurtiisa maadaama buu yiri aanan doonayn in lacagtaa badani aanay noloshooda ka qasin.

Taajirku wuxuu kaloo sheegay in uu caruurtiisa ku tababaray, doonayana in ay iyaguna samaystaan dariiqa noloshooda ee cusub .. Bill Gates oo ay weheliso xaaskiisa Melinda oo da’deeduu tahay 52 jir ayaa intaa ku daray in ay caruurtiisu ku qanacsan yihiin go’aanka ay qaateen labadooda waalid kaas oo ah in badi lacagtooda ugu deeqaan horumarinta nolosha dadka aduunka ugu saboolsan.
Maalqabeenkan ayaa waxa uu sheegyay in wax ka yar 10 Billion oo Ginni uu uga tagi doono caruurtiisa ka dib marka uu geeriyoodo balse waxa ka soo haray maalkiisa uu ku bixin-doono samafalka iyo ku daryeelida dadka saboolka ah ee ku nool kownkan.
Arrinka kale ee isna cajiibka ahi waxa weeye in Bill uu sheegay in caruurtiisu xataa aanay ka qayb qaadan karin shaqada qaybta samafalka ee shirkadiisa.
Bill ayaa waxa la sheegay in uu caruurtiisu kula dardaarmay in ay aqoonta ku dedaalaan halka qaybta yar ee ka soo haray maalkiisana uu iyaga ku wareejin-doono si buu yiri ay ugu maamushaan horumarinnta xirfadooda nololeed ee ay iyagu samaysteen, waxaana uu ka digay waalidiintu in ay maalkooda ku sii wada daayaan caruurtooda taasi oo uu ku sheegay in ay ka dhigayso kuwo fadhiidiin ah oo aanan waxba qabsan-karin maamulana Karin noloshooda danbe, ninkan ayaa waxa uu leeyahay Saddex caruur ah oo kala ah . Jennifer oo  20 jir ah, Rory oo 17 jir ah, iyo Phoebe oo 14 sano jir ah. Rory and Phoebe waxay la nool yihiin Aabohood iyo Hooyadood